Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Rabshado ka dhashay dil loo gaystay nin wadaad ah oo ka soconaya magaalada Mombasa ee dalka Kenya
Isniin, August 27, 2012 (HOL) - Rabshado uu dhiig ku daatay ayaa ka soconaya magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee Kenya.
 
Dagaal gacmaha la isula tagay ayaa dhex maraya ciidamada ammaanka iyo dhalinyaro muslimiin ah, kuwaasoo ka caraysan dilkii maanta loo gaystay sheekh Cabuud Rogo oo kamid ahaa calumaa'udiinka magaalada Mombasa oo lala xiriiriyay inuu taageero siiyo kooxda Alshabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.
 
Dhalinyarada ayaa dab qabadsiiyay kaniisad ku taallay magaalada Mombaasa, waxayna ku gooyeen jidadka taayiro olalaya, iyagoo sidoo kalana laga hor istaagay markii ay weerareen kaniisado kale oo ku yaalla magaaladaasi.
 
Waxaana ay dibad baxayaashu ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah kiristaanka oo ku tiroyar magaaladas oo ay ku xoogbadanyihiin muslimiintu.
 
Waxaa wararku ay sheegayaan in hal qof uu ku dhintay iska horimaadyada soconaya, halka tobonaan kale oo ay dhaawacyo soo gaareen loo qaaday isbitaallada.
 
Dilka Sheekh Cabuud Roogo ayaan la xaqiijin cida ka dambaysay, booliska Kenyana waa ay ka gaabsadeen inay beeniyeen ama rumeeyaan dilkiisa oo lagu eedeeyay ciidamada ammaanka.
 
Balse ciidamada booliska ayaa xaqiijiyay in rag hubaysani ay soo dabagaleen gaarigiisa, isagoo ayla socdeen xubno kamid qoyskiisa ayna ku toogteen deegaanka Bambuuri oo ka tirsan magaalada Mombasa.
 
Wadaadkan ayaa Maraykanku ay ku dareen liiska shakhsiyaadka gacanta siiya argagixisada, waxaana uu khudbooyinkiisa ku taageeri jiray ururka Alshabaab ee ka dagaallama Soomaaliya, isagoo Maraykankana ku eedayn jiray inuu faragalin qaawan ku hayo arrimaha gobolka.
 
Kenya ayaa wadaadkan dhowr goor oo hore maxkamad soo taagtay, balse waxaa lagu sii daayay damaanad.
 
Rabshada ka dhalatay dilkiisa ayaa laga baqayaa inay wax u dhinto xasiloonada magaalada Mombaasa oo kamid ah goobaha ugu ammaanka badan dalka Kenya.
 
Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya




Post your comments

8/27/2012 10:57 AM EST
Isniin, Agoosto 27, 2012 (HOL) - Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa soo saaray liiskii ugu dambeeyey oo gaaraya 255 xubnood, waxaana dhimman 20 xubnood

8/27/2012 9:42 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM), Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in maanta ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose.

8/27/2012 9:30 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ee Somaliland, ayaa maanta shirweynihiisii golaha dhexe ku qabsaday hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay iskugu yimaadeen 105 ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

8/27/2012 8:07 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, C/weli Maxamed Cali, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ay hoggaaminayso wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka, Catherine Ashton.

8/27/2012 7:39 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunno-qabteyn saaray, Abuubakar Shariif Axmed oo ah wadaad Kenyan ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu taageero siiyay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:56 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellada hoose.

8/27/2012 6:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa maanta gaaray deegaan ku dhow degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:26 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban-qaabisay xarunta horumarinta dhalinyarada Soomaliyeed “center for youth development” (CYD) ayaa shalay lagu qabtay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed inuu doonayo inuu baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kusoo xubno dagaal-oogayaal ay hogay u diideen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay in maxkamadda sare ay go'aan kama dambeys ah ka gaari doonto maanta oo Isniin ah dacwadaha xildhibaannadii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/27/2012 3:59 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Yemen shan kalena waa lagu dhaawacay kaddib iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada ammaanka Yemen iyo kooxo hubeysan oo burcad ah meel ku dhow xerada qoxootiga Al-Qaras oo ay ku jiraan Qoxooti Soomaaliyeed ku taalla gobolka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

8/27/2012 3:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah fannaaniinta iyo abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo labadii maalmood ee ugu dambeyay uu xanuun ku hayay.