Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Xisbiga UDUB oo Shirweynihiisii Golaha Dhexe ku doortay Musharaxiinta uga qayb-geli doona Doorashada Madaxtooyada

Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ee Somaliland, ayaa maanta shirweynihiisii golaha dhexe ku qabsaday hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay iskugu yimaadeen 105 ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

Shirweynahan ayaa wax ka bedel lagu sameeyey xeerarkiisa, waxaana lagu soo kordhiyey inuu xisbigu yeesho ku xigeeno, isla markaana gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin oo dhowaan sheegay inuu xilkii xisbiga uu iska casilay golaha cod looga qaaday in laga aqbalo, halkiisiina lagu bedelo xubno kale oo buuxin doonna, taasna waa laga aqbalay.

Sidoo kale, waxa wax ka bedel lagu sameeyey waxa la kala saaray hogaanka xisbiga iyo musharaxiinta xisbigu yeelan doono, iyadoo gudoomiyaha xisbiga uu ahaan doono gudoomiyaha imika Md: Daahir Rayaale Kaahin, halka musharaxiinta loo doortay Md: Cali Maxamed Warancade inuu musharax madaxweyne u noqdo xisbiga, halka musharax madax weyne ku xigeenka loo doortay Md:Axmed Xaaji Daahir Cilmi, waxa kale oo dib loo dhigay in la doorto xoghayaha guud iyo ku xigeenkiisa oo loo xilsaaray inay guddida fulintu soo dooraan doonaan.


Halkaas waxa hadalo warbixino ka soo jeediyey wakiiladda goboladda, kuwaas oo sheegay in taageerayaashii goboladu ay sugayaan xisbiga, isla markaana si weyn u taageersan yihiin.

Shirweynaha waxa kala soo qaybgalay Xaaji Cabdi Waraabo oo ka mid odayaasha golaha guurtida, isla markaana ah Oday boqol iyo dheeraad jiray, waxaanu ka waramay taariikhdii hore ee gumaystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, wakhtigii ay dawladdii Somalia burburtay iyo waayo badan oo uu u joogay, waxaanu xisbiga kula dardaarmay in aanay cay iyo aflagaado ku galin doorashada ee ay noqdaan xisbi si degan ku gala olola doorashooyinka, maadaama oo xisbigani yahay hooyadii xisbiyada.


Musharaxiintaa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u istaagi doona xisbiga UDUB Md: Cali Maxamed Warancade iyo Md: Axmed Xaaji Daahir, ayaa dadkii u codeeyey u mahadnaqay, waxaanay sheegeen inay hawsha xisbiga iyo dardartiisa ay bilaabi doonaan.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ah gudoomiyaha xisbiga UDUB, Md:Daahir Rayaale Kaahin ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hawlaha xisbiga iyo shaqadiisa ay dardar galiyaan, isla markaana shirar la galaan wakiiladda xisbiga ee goboladda.

 “jagooyinka banaan ee la magacaabin waxaanu ku soo dhoweynaynaa ururadda uu wada hadalku noo socdo ee ku soo biiri doonno xisbiga UDUB”ayuu yidhi Daahir Rayaale oo ka hadlayey boosas ka banaan xisbiga iyo cidda ay ka dhigi doonaan, waxaanu intaas ku daray “ragga musharaxiinta ah waxaan leeyahay waa inaad balan cad la gashaan ragga ka socda gobolada, oo aad u diyaar garowdaan goleyaashii deegaanka”.



“ilaahay waxaan ka rajaynayaa inay guul arrimaheenu ku dhamaadaan, Somaliland-na halkii ay UDUB ka soo bilowday iyo halka ay kaga tagtay ummadda ayaa og, waxna ka sheegi maayo”ayuu raaciyey gudoomiyuhu.

Xisbiga UDUB ayaa waxa uu wad hadal u socdaa shan ka mid ah ururadii ku hadhay diiwaangelinta, haseyeeshee, lama hubo inay ku biiri doonaan maadaama oo shirweynaha ka hor ahayd inay wax isku soo afgartaan, iyagoo wada socdana shirweynaha ay u dhan yihiin wada samaystaan.


Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/27/2012 10:57 AM EST
Isniin, Agoosto 27, 2012 (HOL) - Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa soo saaray liiskii ugu dambeeyey oo gaaraya 255 xubnood, waxaana dhimman 20 xubnood

8/27/2012 10:44 AM EST
Rabshado uu dhiig ku daatay ayaa ka soconaya magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee Kenya.

8/27/2012 9:42 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM), Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in maanta ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose.

8/27/2012 8:07 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, C/weli Maxamed Cali, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ay hoggaaminayso wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka, Catherine Ashton.

8/27/2012 7:39 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunno-qabteyn saaray, Abuubakar Shariif Axmed oo ah wadaad Kenyan ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu taageero siiyay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:56 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellada hoose.

8/27/2012 6:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa maanta gaaray deegaan ku dhow degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:26 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban-qaabisay xarunta horumarinta dhalinyarada Soomaliyeed “center for youth development” (CYD) ayaa shalay lagu qabtay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed inuu doonayo inuu baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kusoo xubno dagaal-oogayaal ay hogay u diideen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay in maxkamadda sare ay go'aan kama dambeys ah ka gaari doonto maanta oo Isniin ah dacwadaha xildhibaannadii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/27/2012 3:59 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Yemen shan kalena waa lagu dhaawacay kaddib iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada ammaanka Yemen iyo kooxo hubeysan oo burcad ah meel ku dhow xerada qoxootiga Al-Qaras oo ay ku jiraan Qoxooti Soomaaliyeed ku taalla gobolka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

8/27/2012 3:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah fannaaniinta iyo abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo labadii maalmood ee ugu dambeyay uu xanuun ku hayay.