Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Caruur ku Dhimatay Qarax Bambaano ka dhacay Dugsi ku yaalla Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellada hoose.

Mas'uuliyiinta gobolka Shabellada dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay bambaano kuwa gacanta ah oo ay caruurtu ku dheeleen ayna si lama filaan ah ugu qaraxday.

"Qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan, waxaana bamka uu qarxay markii ay caruurtu ku dheeleen," ayuu yiri guddoomiyaha Shabeellada dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow oo la hadlayay warbaahinta qaraxa kaddib.

"Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen," oo intaask daray. "Dhimashadu way ka badan kartaa intaas waayo dhaawacyo badan oo halis ah ayaa jira." 

Degmada Balcad oo 30-km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM kala wereegeen Al-shabaab dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan.

"Waxaan maqlay qarax weyn, daqiiqado kaddibna waxaan arkay hooyooyin ooyaya," ayuu yiri Cabdifataax Maxamed oo ah goobjoog ku  sugan degamda Balcad ee gobolka Shabeellada hoose oo saxaafadda la hadlay.

Macallinkii dugsiga ayaa la sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay uusan ku sugnayn halkaas, iyadoo ardayda ku sugnaa dugsiga ay tiradoodu ahayd 20, kuwaasoo inta ugu badan uu qaraxaas gaarsiiyay dhaawacyo halis ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/27/2012 10:57 AM EST
Isniin, Agoosto 27, 2012 (HOL) - Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa soo saaray liiskii ugu dambeeyey oo gaaraya 255 xubnood, waxaana dhimman 20 xubnood

8/27/2012 10:44 AM EST
Rabshado uu dhiig ku daatay ayaa ka soconaya magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee Kenya.

8/27/2012 9:42 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM), Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in maanta ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose.

8/27/2012 9:30 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ee Somaliland, ayaa maanta shirweynihiisii golaha dhexe ku qabsaday hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay iskugu yimaadeen 105 ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

8/27/2012 8:07 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, C/weli Maxamed Cali, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ay hoggaaminayso wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka, Catherine Ashton.

8/27/2012 7:39 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunno-qabteyn saaray, Abuubakar Shariif Axmed oo ah wadaad Kenyan ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu taageero siiyay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa maanta gaaray deegaan ku dhow degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:26 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban-qaabisay xarunta horumarinta dhalinyarada Soomaliyeed “center for youth development” (CYD) ayaa shalay lagu qabtay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed inuu doonayo inuu baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kusoo xubno dagaal-oogayaal ay hogay u diideen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay in maxkamadda sare ay go'aan kama dambeys ah ka gaari doonto maanta oo Isniin ah dacwadaha xildhibaannadii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/27/2012 3:59 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Yemen shan kalena waa lagu dhaawacay kaddib iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada ammaanka Yemen iyo kooxo hubeysan oo burcad ah meel ku dhow xerada qoxootiga Al-Qaras oo ay ku jiraan Qoxooti Soomaaliyeed ku taalla gobolka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

8/27/2012 3:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah fannaaniinta iyo abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo labadii maalmood ee ugu dambeyay uu xanuun ku hayay.