4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo qabsaday Deegaanka Shalaanbood oo ku dhow Degmada Marko
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa maanta gaaray deegaan ku dhow degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa u sheegay HOL inay cabsi weyn ka jirto gudaha degmadaas, ayna xoogagga Al-shabaab weli ku sugan yihiin, mana jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan deegaanno ay ka mid tahay Shalaanbood oo saakay lagala wareegay.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM saakay waxay ka dhaqaaqeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose waxayna hadda ku sugan yihiin deegaanka Shalaanbood iyo deegaanno kale oo ku dhow degmada Marko," ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan wuxuu sheegay inaysan iska-caabin kala kulmeen xoogagga Al-shabaab markii ay gaareen deegaanka Buufoow, balse ay ka gudbeen, isagoo xusay inay ka go'an tahay inay galaan xarunta gobolka Shabeellada hoose ee Marko.

Taangiyada ay wataan ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin degmada Marko oo 90-km Koonfur kaga beegan xarunta Soomaaliya iyo Muqdisho, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan la dhaariyay xildhibaannadii ugu horreeyay oo joogto ah tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya.

Haddii ciidamada dowladda iyo AMISOM ay la wareegaan gacan ku haynta degmada Marko waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay ciidamada Midowga Afrika ka qabsadaan Al-shabaab xarun gobol, iyagoo sannadkan qabsaday degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ku dhow Muqdisho.

Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Marko ayaa waxay sheegayaan inay ka baxeen hawada idaacadihii ku hadli jiray afka Xarakada Al-shabaab, iyadoo aan la ogeyn halka loo raray, sidoo kalena gudaha degmada lagu dilay dhowr qof oo shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya