Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Matoor Dab-dhaliye ah ugu deeqday Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho


Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho kana mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho martoo kuwa dabka dhaliya ah oo xooggiisu yahay (125 Kv), taasoo ay mas'uuliyiinta shirkaddu sheegtay inay uga jawaabaysay codsi uga yimid maamulka Isbitaalka.

Martoorkan ayaa waxaa maamulka isbitaalka ku wareejiyay mas'uuliyiin ka socday shirkadda Hormuud, waxaana tani ay qayb ka tahay deeqo noocan oo kale ah oo ay shirkaddu u qaybisay isbitaallada kale ee Muqdisho ku yaalla.

Cali Sheekh Yaasiin oo ka mid ah waaxda xariirka guud ee shirkadda Hormuud ayaa faahfaahin ka bixiyay matoorka isagoo sheegay in markii ay ogaadeen baahida dab ee ka jirta isbitaalka ay go'aansadeen inay ku wareejiyaan matoorka oo ah mid dabooli kara baahida dhinaca dabka ah ee isbitaalka.


Madaxa maamulka isbitaalka Keysaney, Dr. Cali Bile oo isaguna munaasabadda ay kula wareegeen martoorka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey shirkadda Hormuud sida ay uga soo jawaabeen codsigooda, wuxuuna sheegay in matoorradii hore ee isbitaalaka ay dabooli waayeen baahida xagga dabka ee haysata.

Sidoo kale, Dr. Cali Bile wuxuu xusay in shikadda Hormuud ay tahay shirkad gacan ka geysata baahiyaha isbitaallada Muqdisho, sidoo kalena caawisa dadweyaha Soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horreysay ee shirkadda Hormuud ay isbitaalada deeq gaarsiiso, iyadoo shidaal & agab kale horay u gaarsiisay isbitaallada Banaadir, Madiina iyo weliba Isbitaalka Keysaney.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

8/26/2012 10:09 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xogyahaha guud ee Qaramaeda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay gaabis uu sheegay inay ku socoto howsha ka bixidda xilliga KMG ah.

8/26/2012 10:01 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Iskahorimaad isgoyska KM-4 ee Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya koox hubeysan oo soo weerartay ayaa dhaliyay dhimashada laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askarigii lasoo weeraray.

8/26/2012 9:19 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Abwaan Cali Cabdulle Guure oo ah Indhool ayaa sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo lagu wado in toddobaadyo kaddib ay ka dhacdo Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu kusoo baxo doorashada.

8/26/2012 8:36 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiray cunug yar ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo shilkan uu imaanayo maalin kaddib markii gaari fariinka goostay uu afar cunug ku dilay degmadaas.

8/26/2012 8:34 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Labadii cisho ee la soo dhaafay hadal heynta ugu badan magaalada Baladweyne waxaa ay aheyd wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo markii ugu horeysay labo loogu qeybiyay gobolka Hiiraan.

8/26/2012 8:33 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Kulan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uga socda dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho (Iskoola Bulusiyo) ayaa waxay ku dhageysanayaan khudbadaha xubnaha u taagan xilalka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isla goobta uu ku tanaasulay Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

8/26/2012 6:58 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhaawacay shilal kala duwan oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii ay isku dhaceen afar gaari oo laba ka mid ay ahaayeen kuwa gaadiidka loo yaqaan BL-ka ee dadweynaha qaada.

8/26/2012 6:30 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal culus ka qarxay inta u dhexeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hoosingoow ee gobolka Jubada hoose, iyadoona uu dagaalkaasi u dhexeeyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

8/26/2012 6:26 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa shaaciyey inuu isku soo dhiibey sarkaal ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.

8/26/2012 4:10 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xildhibaanadii dib loo celiyay ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare ee dalka, kaddib shir jaraa'id oo uu xalay ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya.