Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Shacabka ku nool Magaalada Baladweyne oo soo Dhaweeyay Labada Gobol ee loo qeybiyay gobolka Hiiraan
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Labadii cisho ee la soo dhaafay hadal heynta ugu badan magaalada Baladweyne waxaa ay aheyd wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo markii ugu horeysay labo loogu qeybiyay gobolka Hiiraan.

Marka aad tagto goobaha ay dadku ku kulmaan inta badan erayada dhagtaada ku soo dhacaya waxaa ay u badan yihiin gobollka cusub ee Shabeellada sare oo laga gooyay gobollka Hiiraan.

Dad isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahanno, odayaal dhaqameed, iyo, dhalinyarro siyaabo kala duwan ay ula hadashay HOL ayaa intooda badan isku raacay talaabada uu qaaday madaxweyne Shariif ee labada gobol loogu qeybiyay gobollka Hiiraan tahay mid soo dhaweyn mudan oo waqtigeedii aad uga soo dib dhacday.

"Gobollka Hiiraan waxaa uu ka mid ahaa Sideedii gobol ee dalka Soomaaliya, runtii waxaan oran karnaa mudo dheer ayuu gobollku ku dulmanaa saami qeybsiga siyaasada Soomaaliya, waayo waxaan og-nahay gobolo baaxad ahaan ka sii yar in lagu tixgalinayay labo gobol iyo ka badan, halka gobollka Hiiraan waligii uu u taagnaa hal gobol oo kaliya," ayuu yiri mid ka mid ah aqoonyahannada magaalada ku sugan oo la hadllay HOL.

Sidoo kale odayaal iyo waxgarad iyaguna ka hadllay aragtidooda wareegtada ka soo baxday madaxweynaha ayaa sheegay ay fursad weyn u noqon karto dadka ku dhaqan labada gobol ee hadda laga dhigay gobollka Hiiraan, madaama marka la eego baaxada dhulka gobollka uu yahay mid qaadi kara labo gobol.

Siyaasiyiin ku sugan magaalada Baladweyne oo u warmay HOL waxaa ay sheegeen in gobollka Shabeellada sare hadda intiisa badan gacanta ku hayaan Xarrakada Al-shabaab sida xarunta gobollkaas oo noqoneysa degmada Buula-burte, iyaga oo intaa ku darray in maamulka hadda ka jira gobollka Hiiraan looga fadhiyo sidii uu gacanta dowladda ugu soo celin lahaa deegaanada hoos taga gobollka cusub oo noqonaya mid yeelan doona maamul u gaar ah.

Wareegtadii dhawaan ka soo baxday madaxweyne Shariif Shiikh Axmed lagu sheegay in gobollka Shabeellada sare uu ka koobnaan doono Buula-burte, Jalalaqsi, Maxaas, Show, Buur-weyn, Ceel-ciid, Qoryaalle, Halgan, Moqo-kori iyo Buqda. 

Halka gobollka Hiiraan uu noqon doono ama ka koobnaan doono magaalad  Baladweyne oo ah xarunta gobollka Matabaan, Jawiil, Far-libaax, Ceel-cali, Yucubkam, Beer-gadiid, Macaan-qaalle, Buuco, Abaaleey iyo Feer-feer.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

8/26/2012 10:09 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xogyahaha guud ee Qaramaeda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay gaabis uu sheegay inay ku socoto howsha ka bixidda xilliga KMG ah.

8/26/2012 10:08 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho kana mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho martoo kuwa dabka dhaliya ah oo xooggiisu yahay (125 Kv), taasoo ay mas'uuliyiinta shirkaddu sheegtay inay uga jawaabaysay codsi uga yimid maamulka Isbitaalka.

8/26/2012 10:01 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Iskahorimaad isgoyska KM-4 ee Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya koox hubeysan oo soo weerartay ayaa dhaliyay dhimashada laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askarigii lasoo weeraray.

8/26/2012 9:19 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Abwaan Cali Cabdulle Guure oo ah Indhool ayaa sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo lagu wado in toddobaadyo kaddib ay ka dhacdo Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu kusoo baxo doorashada.

8/26/2012 8:36 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiray cunug yar ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo shilkan uu imaanayo maalin kaddib markii gaari fariinka goostay uu afar cunug ku dilay degmadaas.

8/26/2012 8:33 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Kulan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uga socda dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho (Iskoola Bulusiyo) ayaa waxay ku dhageysanayaan khudbadaha xubnaha u taagan xilalka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isla goobta uu ku tanaasulay Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

8/26/2012 6:58 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhaawacay shilal kala duwan oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii ay isku dhaceen afar gaari oo laba ka mid ay ahaayeen kuwa gaadiidka loo yaqaan BL-ka ee dadweynaha qaada.

8/26/2012 6:30 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal culus ka qarxay inta u dhexeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hoosingoow ee gobolka Jubada hoose, iyadoona uu dagaalkaasi u dhexeeyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

8/26/2012 6:26 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa shaaciyey inuu isku soo dhiibey sarkaal ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.

8/26/2012 4:10 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xildhibaanadii dib loo celiyay ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare ee dalka, kaddib shir jaraa'id oo uu xalay ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya.