Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Ururka IGAD oo Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay inay soo gabgabeeyaan howlaha ka harsan xilliga Ku-meel-gaarka
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla bariga Afrika ee IGAD ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhaqso ah ku dhameystiraan howlaha uga harsan ka gudbidda xilliga KMG ah.

Warsaxaafadeed uu ururku kasoo saaray magaalada Nairobi Jimcihii shalay ayuu ku sheegtay in ka bixitaanka xilliga KMG ah oo la xaqiijiyay ay Soomaaliya u furayso in ay u gudubto waji cusub oo horumar iyo nabad leh.

"Waxaan rumeysannahay in lagu guuleysan karo sidii howshan adag lagu qaba lahaa," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka IGAD. "Waxaan ku dhiirigelinaynaa qaybaha Soomaalida inay howshan dhameystiraan."

Isniintii lasoo dhaafay ayaa la dhaariyay 211 mudane oo ka mid ah 275 xildhibaan oo uu ka kooban yahay baarlamaankan oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka oo hab beeleed ku keenay xildhibaannadan.

Xidhibaannadan oo 30% ay yihiin haween ayaa laga doonayaa inay doortaan maalmaha soo socda guddoon uu yeesho baarlamaanka Soomaaliya, markaas kaddibna ay doortaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

"IGAD waxay hambalyo u diraysaa xildhibaannada lasoo doortay, hoggaamiyeyaasha Soomaaliduna waa inay howshan harsan ku dhameystiraan si dhaqso ah," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay IGAD, iyagoo xusay in howshan oo la dhameystiro ay fursad u tahay Soomaaliya oo dhan.

Baarlamaankan cusub ee Soomaaliya ay yeelatay ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo joogto ah tan iyo markii xukunka laga tuurtay dowladdii mliateriga ahayd ee uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/25/2012 2:50 PM EST
Sabti, Agoosto 25, 2012 (HOL) - East African Energy Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyradka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ayaa digniin culus u diray dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystay in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira khaassatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.

8/25/2012 9:21 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamanaka ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in tirada xildhibaannada ay hayaan ay gaarayso 254 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka mudane ee kuraasta baarlamaank ay ka kooban tahay.

8/25/2012 8:17 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa kasoo cusboonaaday gobolka Jubada hoose kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan saldhigyada ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin Jubooyinka.

8/25/2012 8:13 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Munaasabad ay soo qabanqaabisay hay'ad lagu magacaabo SHARDO oo tababar loogu soo gabagabeynayay boqol dhallinyaro ah ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

8/25/2012 7:56 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug ee dhawaan la doortay Jen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa lugtiisii ugu horeysay tan markii xilka loo magacaabay waxaa uu booqasho ku joogaa degmada Hobyo ee gobollka Mudug.

8/25/2012 7:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay horraantii sannadkan ka qabsadeen Al-shabaab ayaa waxay shacabkeedu aad u rajeynayaan in dowladda cusub ee la dhisayo ay isbedel dhinaca dhaqaalaha kusoo kordhiso deegaankooda.

8/25/2012 4:38 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wada inay dhaco maalinta berri ah oo ay bishan ku beegan tahay 26-ka Ogoosto ayaa dib loo dhigay laba casho, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

8/25/2012 4:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Zone K ee degmada Hodan waxay ku dileen saddex qof oo lagu sheegay inay ahaayeen kooxo falal ammaan-darro ka waday degmadaas, iyagoo sidoo kale dhaawacay laba qof oo haweeney ku jirtay.