Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Aug 25, 2012
Madaxweynaha Dhawaan la doortay ee Maamul Goboleedka Galmudug oo booqasho ku jooga Degmada Hobyo
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug ee dhawaan la doortay Jen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa lugtiisii ugu horeysay tan markii xilka loo magacaabay waxaa uu booqasho ku joogaa degmada Hobyo ee gobollka Mudug.
Cabdi Qeybdiid oo warbaahinta la hadlayay isaga oo ku sugan Hobyo ayaa ku sheegay ujeedada socdaalkiisa sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaalada degmada Hobyo oo la sheego in ay xarun u tahay kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
"Runtii xaalada degmada sidii naloogu fasirayay ma’aha, waa degmo dhisan oo homar dhinacyo badan ah sameyneysa, gudaheedana hadda wax burcad badeed ah oo aan ku aragnay ma jiraan," ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
Waxaa uu sheegay Cabdi Qeybdiid in ay jiraan maraakiib iyo dad shisheeye ah oo afduub loo heysto, laakiin sida uu hadalka u dhigay kooxaha burcad badeedu la tageen deegaanno ka baxsan Hobyo, isaga oo ugu baaqay burcad badeeda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u sii daayaan maraakiibta iyo shaqsiyaadka ay afduubka ku heystaan.
Jen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa olalihiisii doorashada Galmudug ku soo galay in hadii la doorto uu wax badan ka qaban doono kooxaha burcad badeeda ku sugan deegaannada hoos taga maamul gobolleedka, laakiin waxaa muuqata in arrinta burcad badeednimadu tahay mid caalami ah oo ka baxsan awooda maamulka Galmudug.
Dhinaca kale Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in ay dadka deegaannka Hobyo ka wad hadlleen sidii ay u sameysan lahaayeen maaamul ay iyaga soo doorteen, madaama uu hadda halkaa ka jiro maamul uu horay u magacaabay madaxweynihii hore Max’ed Axmed Caalin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya
Post your comments
Kenya iyo Shirkado shidaalka baara oo looga digay in ay shidaal ka qodaan badda Soomaaliya
8/25/2012 2:50 PM EST
Sabti, Agoosto 25, 2012 (HOL) - East African Energy Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyradka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ayaa digniin culus u diray dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystay in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira khaassatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.
Guddiga Farsamada ee Xulida Baarlaaanka oo sheegay in Xildhibaannada ay hayaan ay kor u dhaafayso 250 xubnood
8/25/2012 9:21 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamanaka ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in tirada xildhibaannada ay hayaan ay gaarayso 254 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka mudane ee kuraasta baarlamaank ay ka kooban tahay.
Ururka IGAD oo Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay inay soo gabgabeeyaan howlaha ka harsan xilliga Ku-meel-gaarka
8/25/2012 8:19 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla bariga Afrika ee IGAD ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhaqso ah ku dhameystiraan howlaha uga harsan ka gudbidda xilliga KMG ah.
Dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo abaabullo dagaal oo laga dareemayo Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose
8/25/2012 8:17 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa kasoo cusboonaaday gobolka Jubada hoose kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan saldhigyada ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin Jubooyinka.
Hay'adda SHARDO oo Boqol Dhallinyaro ah u soo Gabgabeysay Tababar lagu barayay Aqoon la xiriirta Ganacsiga
8/25/2012 8:13 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Munaasabad ay soo qabanqaabisay hay'ad lagu magacaabo SHARDO oo tababar loogu soo gabagabeynayay boqol dhallinyaro ah ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.
Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo oo Rajo weyn ka qaba in Dowladda la dhisayo ay isbedel kusoo kordhiso Deegaankooda
8/25/2012 7:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay horraantii sannadkan ka qabsadeen Al-shabaab ayaa waxay shacabkeedu aad u rajeynayaan in dowladda cusub ee la dhisayo ay isbedel dhinaca dhaqaalaha kusoo kordhiso deegaankooda.
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay iyo Murashaxiin badan oo u Taagan xilalkan
8/25/2012 4:38 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wada inay dhaco maalinta berri ah oo ay bishan ku beegan tahay 26-ka Ogoosto ayaa dib loo dhigay laba casho, sida ay sheegeen guddiga doorashada.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgal ay dad ku dileen ka sameeyay degmada Hodan iyo Farsamayaqaan la dilay
8/25/2012 4:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Zone K ee degmada Hodan waxay ku dileen saddex qof oo lagu sheegay inay ahaayeen kooxo falal ammaan-darro ka waday degmadaas, iyagoo sidoo kale dhaawacay laba qof oo haweeney ku jirtay.
Somali News
Obama Speaks With Acting Ethiopian PM
-
VOA
8/25/2012 7:50 AM EST
U.S. President Barack Obama has urged Ethiopia's acting prime minister to promote "development, democracy, human rights, and regional security."
Somalia: Politicians Continue to Use the Country's Institutions for Personal Profit
-
AA
8/25/2012 7:47 AM EST
Somalia's upcoming permanent government is feted as a model for national reconciliation and good governance.
Drought reduces livestock exports out of northern Somalia
-
Sabahi Online
8/25/2012 7:39 AM EST
Drought in Somaliland has reduced annual livestock exports to Gulf Arab countries and will lead to significant financial losses for farmers and the state, officials say.
Curfew imposed in Wajir as violence spreads
-
Capital FM
8/25/2012 7:27 AM EST
The government has imposed a dusk-to-dawn curfew in Wajir after one person was killed and 11 others injured in a fresh wave of violence in northern Kenya.
Ethiopia readies state funeral for Meles Zenawi
-
Daily Nation
8/25/2012 7:12 AM EST
Ethiopia will hold a state funeral for late Prime Minister Meles Zenawi, who died Monday after 21 years in power, with regional heads of state expected to attend, officials said Saturday.
SOMALI drug dealers are operating in a popular park in Southchurch, police have revealed.
-
Echo
8/25/2012 5:53 AM EST
SOMALI drug dealers are operating in a popular park in Southchurch, police have revealed.
IGAD calls on Somali leaders to complete remaining tasks
-
Xinhua
8/25/2012 5:50 AM EST
A regional mediation body on Friday called on Somali leaders to swiftly complete the remaining tasks which it said are critical for the completion of the transitional process.
Africa Oil says resource estimates rises in Kenya
-
Xinhua
8/25/2012 5:45 AM EST
Canadian oil and gas firm Africa Oil announced on Wednesday significant increase in independent assessment of the company’s prospective resource potential in Kenya and Ethiopia’s exploration properties.
Al-Shabaab uses zakat as pretext to extort money from Somalis
-
Sabahia
8/25/2012 1:20 AM EST
Al-Shabaab gunmen are extorting money from Somali citizens under the pretext that the group has authority under sharia law to collect and distribute zakat to the needy, but in reality the money is going to the group's military coffers, residents and officials say.
Somalis in Baidoa Expect More from New Government
-
VOA
8/25/2012 1:04 AM EST
BAIDOA (VOA) — Earlier this week, a new parliament was installed in Somalia's capital, Mogadishu. Meanwhile in the smaller city of Baidoa, a city liberated from al-Shabab militants in February, Ethiopian forces are handing over control to African Union and Somali forces. In Baidoa, residents are grateful for the security, but wonder why aid has been so slow to follow.