Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2012
Eeyo Cudurro halis ah qaba oo Dad shacab ah ku dhaawacay Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose
Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Eeyo qaba cudurka raabiyada ayaa dad ka badan 10-qof ku dhaawacay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabellada hoose sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deegaankaas, waxaana dadka ay soo gaareen dhaawacyada qaarkood la sheegay inay aad ula xanuunsanayaan dhaawacyadii gaaray.

Dhakhtar ku sugan Buulo-mareer ayaa saxaafadda u sheegay in eeyaha ay yihiin kuwo qaba cudurka raabiyada loo yaqaan oo ku dhaca maskaxda, isagoo sheegay in dadka dhaawacyada gaaray ay isugu jiraan qaybaha bulshada.

"Sideed qof oo ka mid ah dadka dhaawacyada ay gaareen ayaa xaaladdoodu aad u daran tahay, runtiina ma ahan markii ugu horreysay oo eeyo ay sidan oo kale u soo weeraraan dadka deegaankan ku nool," ayuu yiri dhaqtarka oo saxaafadda la hadlay.

Sidoo kale, dhaqtarku wuxuu sheegay in dadka deegaanku ay hub qaateen si ay isaga difaacaan weerarka eeyaha, wuxuuna sheegay in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay socdeen weerarrada eeyuhu ay kusoo qaadayaan dadka iyo iska caabin ay dadku sameynayaan.

"Lama hayo dawooyin looga hortago cudurka, haddii aan si dhaqso ah loo helinna waxaa imaanaysa in dadku ay xaaladooda kasii darto," ayuu yiri dhaqtarka oo sheeagy in dadka dhaawacyada qaba aysan weli helin dawooyin ku filan, wuxuuna xusay in xayawaanka xanuunnadooda aanay jirin meelo lagu hubiyo.

Maamulka Al-shabaab ee gobolka Shabeellada hoose ayaan weli ka hadlin weerarka ay eeyahaas ku dhaawaceen dadka shacabka ah, iyadoo la sheegay inay eeyaha weerarka geystay ay ku sugan yihiin daafaha deegaankaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/24/2012 10:52 AM EST
Jimco, Ogoosto, 24, 2012 (HOL ) – Ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala Soomaaliland hasse ahaatee ka soo jeeda gobollka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxaa ay qalab wax barasho guddoonsiiyeen Jaamacada Hiiraan University ee magaalada Baladweyne.

8/24/2012 5:00 AM EST
Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee xidhibaannada soo xulay, kuwaasoo ku eedeeya guddiga farsamada inay iska tuureen xubnihii ay soo xuleen ayna qorteen kuwo ay iyagu doonayaan.

8/24/2012 4:48 AM EST
Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay maanta ku eg-tahay qabashada araajida murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

8/24/2012 4:46 AM EST
Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Kooxo Hubeysan ayaa xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay macallin dugsi Qu'raan oo si weyn looga yaqaan deegmadaas; iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay macallinkaas iyo kooxaha dilkiisa ka dambeeyay.

8/24/2012 4:42 AM EST
Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi la aasi doono toddobaad kaddib, iyadoo dadweynaha dalkaas loo ogolaaday inay maydka ku booqdaan qasriga Qaranka dalkaas si ay u sagootiyaan.

8/24/2012 4:41 AM EST
Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii gubtey markab ku xirnaa dekedda magaalada Boosaaso, markabka gubtey oo ahaa mid yar laguna magacaabi jirey Benderqasim-2, waxaa iska lahayd shirkadda Xidig, wuxuuna sidey shixnad shidaal ah oo uu dalka Yemen ka keenay.