Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka Tacsiyeeyay Geerida Ra’iisal Wasaarihii dalka Itoobiya Malas Zanawi
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa ugu tacsiyeeyay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo shacabka intaba geerida Malas Zanawi ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa sheegay in Malas Zanawi uu ahaa hogaamiye siweyn uga dhax muuqday qaarada Africa, islamarkaana gacan weyn ka geysanayay sidii dib loogu celin lahaa nabadii dalka Soomaaliya.

"Waxaan rabaan in aan halka uga tacsiyeeyo mas’uuliyiinta dowladda Itoobiyo iyo shacbka intaba geeridii ku timid ra’iisal wasaare Malas Zanawi oo ahaa hogaamiye siweyn looga yaqaanay qaarada, dhinanca kalana ku howlanaa dib u soo celinta nabada Soomaaliya,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Zanawi uu u soo diray dalka Soomaaliya ciidammo kumannaan gaaraya si ay ula dagaallamaan Xarrakada Al-shabaab, taasoo qeyb ka ah ayuu yiri dadaalada uu ku doonayay sidii dalka Soomaaliya looga dhigi lahaa mid xasiloon.

"Waxaa uu qorshuhu yahay in aaska ra’iisal wasaaraha Itoobiya ay ka qeyb-galaan xubno ka tirsan maamulka oo aan horakacayo, sidoo kalana waxaa tagi doona aaska mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda KMG,’’  ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Dowladda Itoobiya waxaa magaalada Baladweyne ka jooga tiro ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan ka siinaya maamulka gobollka Hiiraan dagaallada ka dhanka ah Xarrakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa sheegay sidoo kale in waxba iska badali doonin qorsha dowladda Itoobiya ee ku aadan sidii Soomaaliya looga abuuri lahaa jawi nabadoon iyo daganaasho waarta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

8/22/2012 10:11 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo uu xildhibaan ka mid ah kuwa cusub ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.

8/22/2012 9:59 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/22/2012 9:58 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

8/22/2012 8:53 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta shacabka iyo xukuumadda Itoobiya uga tacsiyeeyay geeridii ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Belgium aroornimadii Talaadadii shalay.

8/22/2012 8:46 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta ula wareegay sugidda ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan ka dhacaa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

8/22/2012 8:06 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay xerada IFO haweeney ka mid ahayd guddiga ammaanka xeradaas oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

8/22/2012 7:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo badan keentay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas isku socodkii labadda dhinac uu hakad ku yimid, isla markaana dadka ka shakisan yihiin isbedelka ka dhacay Itoobiya.

8/22/2012 7:33 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu dhintay dalka Belgium ayaa xalay la geeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya inkastoo aan weli la shaacin xilliga la aasayo.

8/22/2012 3:44 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas uu askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ku furay gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay isgoyska Sanca ee degmada Karaan, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney kale.

8/22/2012 3:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.

8/22/2012 3:32 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.