Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Xerada Qoxootiga IFO ku dilay haweeney ka mid ahayd Guddiga Ammaanka Xeradaas
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay xerada IFO haweeney ka mid ahayd guddiga ammaanka xeradaas oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Qureesho Xuseen Raage ayaa waxaa toogtay saddex nin oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba goobta isaga baxsaday, waxaana falkan uu qayb ka noqonayaa falalka ammaan-darro ee ka jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab.

"Dilku wuxuu dhacay xalay fiidkii, waxaana geystay rag bastoolado ku hubeysna oo markiiba baxsaday," ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska Kenya, kaasoo sheegay inay maanta socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii dilkaas ka dambeeyay.

Weli ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka haweeneydaas oo xubin ka ahayd guddiga ammaanka ee xeradaas, waxaana dilkeeda uu imaanayaa xilli sidan oo kale ay kooxo hubeysan dilal u geysteen mas'uuliyiinta ammaanka xeryahaas.

Xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab oo kala ah: Xagar-dheer, IFO iyo Dhagaxley ayaa lagu tilmaamaan xeryaha qoxootiga ee dunida ugu weyn, waxayna hoy u yihiin in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah, kuwaasoo dalkooda uga cararay dagaallada iyo abaaraha ka taagan.

Tan bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ay dowladda Kenya ciidammo fara badan u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa deegaannad ku dhow xadka ka dhacayay qaraxyo lagu weerarayo ciidamada amaanka Kenya iyo mas'uuliyiinta xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/22/2012 10:11 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo uu xildhibaan ka mid ah kuwa cusub ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.

8/22/2012 9:59 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/22/2012 9:58 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

8/22/2012 8:53 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta shacabka iyo xukuumadda Itoobiya uga tacsiyeeyay geeridii ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Belgium aroornimadii Talaadadii shalay.

8/22/2012 8:46 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta ula wareegay sugidda ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan ka dhacaa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

8/22/2012 8:07 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa ugu tacsiyeeyay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo shacabka intaba geerida Malas Zanawi ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya.

8/22/2012 7:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo badan keentay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas isku socodkii labadda dhinac uu hakad ku yimid, isla markaana dadka ka shakisan yihiin isbedelka ka dhacay Itoobiya.

8/22/2012 7:33 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu dhintay dalka Belgium ayaa xalay la geeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya inkastoo aan weli la shaacin xilliga la aasayo.

8/22/2012 3:44 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas uu askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ku furay gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay isgoyska Sanca ee degmada Karaan, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney kale.

8/22/2012 3:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.

8/22/2012 3:32 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.