Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Aug 20, 2012
Kulan looga hadlayay Ammaanka Muqdisho oo uu ka qaybgalay Taliyaha AMISOM oo xalay ka dhacay Madaxtooyada
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdihso uuna shir guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana kulankaas ka qayb-galay taliyaha guud ee AMISOM Andrew Gutti.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlayay ammaanka Muqdihso waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, C/samad Macallin Maxamuud iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomalaiya.
“Waxaan isugu nimid inaan qiimeyno xaalada nabadgelyo iyo midda siyaasadeed ee Muqdisho, innagoo fiirinayna nabadda u jeeddaduna waa in la xoojiyo nabadda wax kasta oo nabadda dhibaateyn karana laga hortago, arrimaha siyaasaded ee nabadda saameyn karana xallintooda lagu dadaalo," ayuu yiri madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh oo kulanka kaddib la hadlayay warbaahinta.
Shariif Sheekh wuxuu kulanka ku tilmaamay mid muhiim ah maadaama maanta oo ay ku beegmay xilli lasoo gabgabeynayo KMG-nimada Soomaaliya, isagoo sheegay inay si aad ah uga hadleen cid walba oo carqaladeyn karta qorshaha socda inaan loo ogolaan doonin hadafkeeda guracan, wax walbana ay u dhacaan sidii loogu horay loogu qorsheeyay.
“Dhammaanteen waxaan ognahay dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed u soo mareen nabadda ay hadda haystaan, ma ogolaanayno in si fudud loo dhibaateeyo, walaalaheen AMISOM waxaan uga mahad-celineynaa dhiigga iyo dhididka ay u hureen nabadda aan haysanno,” ayuu madaxweynuhu mar kale yiri.
Madaxweynaha oo ka hadlay doorka odayaasha dhaqanka iyo heshiisyadii horay loo gaaray ayaa ku baaqay in heshiisyadii la gaaray loo fuliyo sidii ay ahaayeen, laguna ixtiraamo odayaasha dhaqanka howsha xulista xildhibaannada, sidoo kalena guddiga farsamada ee fududeynta xulista baaramaanka lagu ixtiraamo howshooda, lana hubiyo inaysan ka gudbin xuduuddooda, khilaafaadyada jira nabad lagu xalliyo.
"Shacbka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay ku dadaalaan xoojinta nabadda ay haystaan, waayo labaatan sano ayaad colaad kusoo jirteen, ma rabno inaan dib ugu laabano waddadii hore ee adkayd... ma rabno cadowgii aan ka adkaanay iyo cid kasta oo nabadda cadow ku ah inaan fursad siinno, waxaana ku baaqayaa inaan qof si gaar ah loo bartilmaameedsan, lana dhowr xuquuqda qof walba uu leeyahay,” Shariif Sheekh hadalkiisa kusoo qatimay.
Dhanka kale, taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutti oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu doonayo inuu shacabka Soomaaliyeed ku diirrigeliyo inay ka qayb-qaataan xoojinta nabadda iyo sidii amniga loo sugi lahaa, isagoo xusay inay taasi tahay mas'uuliyad saaran Soomaalida.
"Sida aad wada og-tihiin waxaan ku jirnaa dhamaadka xilliga KMG-ka waxaan dadka Soomaaliyeed oo dhan ka codsanayaa inay is dejiyaan, qorshahan lagu dhameynayo KMG-nimadana ma jirto cid hor-istaagi karta. Dadku waxay doonayaan inay helaan baanu dhiiri-gelineynaa waxaana rabnaa in cid walba uu matalo xildhibaankii ay keensadeen. Beesha caalamka iyo AMISOM waxay tixgelinayaan wax kasta oo ay dadka doonayaan maadaama odayaasha dhaqanku ay iyaga wakiil ka yihiin," ayuu yiri taliyaha AMISOM. "waxaan mar labaad weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed in wax walba si wanaagsan loo xaliyo, isla markaana aysan fursad siin kuwa nabadda kasoo horjeeda - haddii khilaaf yimaadaana waxaa wanaagsan in wadahadal lagu xaliyo, waana in laga fogaado dhiig dambe oo daata."
Kulankan ayaa wuxuu socday illaa xalay saqdii dhexe, wuxuuna ahaa mid aad uga duwan kulammadii noociisa ahaa, isagoo yimid xilli maanta ay markii ugu horreysay ku kulmayaan Muqdisho xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Guddoomiye kumeel gaar ah oo loo doortay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
8/20/2012 12:48 PM EST
Isniin, August 20, 2012(HOL): Sidii aad kula socoteen wararkeennii hore waxaa hool ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ka socotay dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu dhammeyd 211 Mudane, waxaana dhaarintaas kaddib guddoomiye kumeel gaar ah loo doortay Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan.
Kulankii Xidhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Goor dhow ka furmay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
8/20/2012 10:56 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho goor dhow ka furmay shirka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu dhaarin doono ayna ku dooran doonaan guddoomyaha kulammada si KMG ah u guddoomin doono inta laga dooranayo guddoomiye cusub.
Munaasabad lagu shaacinayay Gobolka Hiiraan oo laba loo qaybiyay oo Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho
8/20/2012 10:54 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo laba loogu qaybinayay gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdihso, iyadoo ay goojoog ka ahaayeen xildhibaanno iyo wasiirro kasoo jeeda gobolka Hiiraan.
Hay'adda Amoud Foundation oo soo gabagabeysey Barnaamijyo isugu jiray Afurin, Biya-qaybin iyo Ciidul-Fidriga
8/20/2012 6:10 AM EST
Hay'adda Camuud (Amoud Foundation) ayaa soo gabagabeysay barnaamijyo isugu jiray afurin, biya-qaybin iyo kaalmo ay ugu talo-gashay ciidul-fidriga kuwaasoo ay ka qaybisay gobollada dalka qaarkood, iyadoo ay ka faa'iideysteen deeqahaas dad badan oo ay ku jireen indhoolayaal.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dowlada cusub ee la dhisayo ay xoogga saari doonto dib u dhiska dhaqaalaha dalka
8/20/2012 3:28 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dowladda cusub ee la dhisayo ay xoogga saari doonto dib u dhiska dalka 20-sano oo dagaallo kaddib ayna la dagaalami doonto burcadbadeedda oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dhaqaalaha caalamka.
Baydhabo oo si weyn looga xusay Ciidul-Fidriga iyadoo Munaasabad lagu qabtay ay ka qaybgaleen Ma'suuliyiinta Gobolka Bay
8/20/2012 3:25 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa si heer loogu dabaal-dagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo lagu qabtay xarunta garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub, waxaana tukashada Salaadda ciidda ka qaygalay mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay.
Qaraxyo lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa AMISOM oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
8/20/2012 2:47 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyo siyaabo kala duwan xalay uga dhacay degmooyinka Muqdisho kuwaasoo lagu weeraray booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM.
Muqdisho oo laga dareemayo diyaar-garowga kulan ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
8/20/2012 2:44 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku eg-tahay xilliga DKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qabanqaabada kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan xidlhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo isla maanta la dhaafin doono guddoomiye KMG ah dhexdooda ka xulanaya.
Somali News
Sidee Looga Ciiday Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka
-
HOL
8/20/2012 8:23 PM EST
Sidee Looga Ciiday Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka
Sidee Looga Ciiday Magaalada San Diego ee dalka Mareykanka
-
HOL
8/20/2012 6:25 PM EST
Sidee Looga Ciiday Magaalada San Diego ee dalka Mareykanka
Sidee Looga Ciiday Gobolka Minnesota
-
HOL
8/20/2012 6:23 PM EST
Halkaan ka daawo sidii looga ciiday Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
New Somali Parliament elected Interim Chairperson
-
HOL
8/20/2012 5:51 PM EST
211 members of the new Somali Parliament have been sworn today at Mogadishu Airport Hall and elected General Muse Sheikh Hassan Abdulle as new interim chairperson before the election of new Speaker and two Deputies.
Somali: MPs sworn in to historic parliament
-
BBC
8/20/2012 12:49 PM EST
Somalia's first formal parliament in more than 20 years has been sworn in in the capital, Mogadishu, marking an end to an eight-year transitional period.
I fought for Kadhi's Court, says PM Odinga
-
Daily Nation
8/20/2012 9:33 AM EST
Prime Minister Raila Odinga on Monday told the Muslim community in Mombasa that he honoured a Memorandum of Understanding (MoU) in the run up to the last General Election by ensuring that the Kadhi's Court remained in Kenya's Constitution despite stiff resistance.
Somali parliament delays presidential election
-
Daily Nation
8/20/2012 7:08 AM EST
The election of a new Somali president will not take place Monday as scheduled, newly appointed lawmakers said, but added they expected to convene the parliament for the first time later in the day.
Somalia: A new parliament but no presidential vote
-
AP
8/20/2012 5:40 AM EST
Members of a new parliament in Somalia are being sworn in, but there will be no presidential election.
Somalia wakes up to a different picture, a new sense of optimism
-
The Guardian
8/20/2012 5:39 AM EST
In Mogadishu, artists are back on the streets, a symbol of a new hope, borne from a new constitution, a new dawn.
Former UNICEF official confident of clinching Somalia presidency
-
Capital FM
8/20/2012 5:35 AM EST
A former UNICEF employee Hassan Sheikh Mahamud has joined the growing list of presidential candidates in Somalia.
I was just as fast when we were children, says twin brother Mo Farah was forced to abandon as child in wartorn Somalia
-
Daily Mail
8/20/2012 5:32 AM EST
He has forged a successful career amid the chaos and poverty of wartorn Somalia, but Hassan Farah cannot help wonder what might have been.
Insight: Somalia's old problems litter path to new future
-
Reuters
8/20/2012 5:21 AM EST
Yusuf Garaad left his comfortable home and job as head of the BBC Somali Service in London to run for the presidency of Somalia when the Horn of Africa nation embraced a plan to shed its image as the archetypal failed state.
Somalia to swear in new parliament
-
Aljazeera
8/20/2012 5:17 AM EST
Embattled country's transition officially ends on Monday, with MPs next tasked with choosing a speaker and president.
New Somali Parliament Set to Convene Monday
-
VOA
8/20/2012 2:41 AM EST
Leading member of the Somalia Technical Selection Committee (TSC) said the new parliament will meet for the first time Monday after the recent approval of the country’s constitution.