Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Aug 16, 2012
RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “ Xukuumaddu wey jireysaa inta xukuumad cusub laga soo dhisayo”
Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya
Khamiis, August 16, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa ka jawaabay hadal uu shalay qalabka warbaahinta ka sii daayay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ahaa in xukuumadda Soomaaliya aysan lahayn wax saameyn ah, isla markaana aysan wax qaraar ah soo saari karin maadaama uu madaxweynenimo isu soo sharraxay Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Xukuumadda uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay ay jireyso illaa iyo inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo bedesha.
“Xukuumaddu waa jireysaa, illaa inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo maamulka kala wareegta”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray in aysan jirin meel ay Axdiga KMG ah kaga qoran tahay in aysan jireynin Xukuumad kaddib marka uu ra’iisal wasaaraheeda isa sharraxo.
Waxaa kale oo uu ka jawaabay Ra’iisal Wasaaraha arrin kale oo uu madaxweynaha ka hadlay, taasi oo ku saabsaneyd dikreeto uu madaxweynaha degmooyin cusub ku magacaabay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay ahayd mid sharci darro ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay Ra’iisal wasaaruhu in ay ahayd in magacaabidda degmooyinkaas ay soo marto nidaamka dowliga ah, golaha wasiirrada la horkeeno, kaddibna madaxweynaha loo gudbiyo.
“Arrinta magacaabidda degmooyinka waxay ka gole wasiirro ahaan nagu beertay welwel tiro badan, waxayna u baahan tahay in degmo la magacaabo in golaha wasiirrada la sii marsiiyo, laga doodo kaddib madaxweynaha loo gudbiyo, laakin in la iska magacaabo degmooyin waxaan u arkaa kheyru-sharci”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cabdi Weli oo sheegay in xilliga Dowladda TFG-da uu ku egyahay 20-ka Agoosto.
Waxaa wax laga weydiiyay soo xulista xubnaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in awoodda arrintaas ay leeyihiin Odayaasha Soomaaliyeed, guddiga farsamadana ay kaliya howshoodu tahay in ay eegaan in qofka la soo magacaabay in uu buuxiyay shuruudihii iyo in kale. Wuxuu talo ku bixiyay Ra’iisal Wasaaruhu in ay guddigaas loo madax banneeyo howlihiisa.
Waxaa la weydiiyay sida uu u arko warbixintii madaxda dowladda lagu eedeeyay eek u saabsaneyd in ay musuq maasuq ku kaceen, wuxuuna isku difaacay ra’iisal wasaaraha in aysan jirin wax musuq-maasuq ah oo uu shaqo ku leeyahay.
Su’aal kale oo la weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha ayaa ahayd in hadalkiisan iyo hadalkii shalay ee madaxweynaha laga dareemayo in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo isaga, wuxuuna ku gaabsaday in uu nidaamka dowliga ah sidaas yahay, wax intaas dhaafsiisanna aysan jirin.
Laga soo billaabo dowladdii TNG-da ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan illaa dowladdan TFG-da ee waqtigeedu sii dhammaanayo waxaa caado noqday in marka laga gaaro xilliga kala guurka ah ee dowlad kasta ay isku dhacaan madaxweyanha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda markaas jirta, iyadoo dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada is-hayana uu midba kan kale ku eedeynayo in uu sammeeyay tallaabo sharci darro ah.
War la xiriira warkan
Halkan ka aqriso hadalkii Madaxweynaha
-HOL
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Post your comments
Qoys ku sumoobay Tuulada Qalaanqal ee gobolka Nugaal
8/16/2012 11:35 AM EST
Khamiis, August 16, 2012(HOL): Qoys ka kooban 5 qof ayaa ku sumoobey tuulada Qalaanqal oo ka tirsan gobolka Nugaal, kadib markii ay cabeen biyo ku jirey weel caag ah, oo markiisii hore dareere sun ah lagu keenay.
Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimada gobollada, kuna booriyey inay ka wacyigeliyaan isqarxinta dhalinyaradda
8/16/2012 9:59 AM EST
Khamiis, Agoosto 16, 2012 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xalay kulan afur iyo casho iskugu jirta la yeeshay culimadda Somaliland,isla markaana uga waramay xaaladda guud iyo kaalinta ay culimadu ka qaadan karaan wacyigelinta dadweynaha.
Tifaftire cusub oo loo magacaabay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da
8/16/2012 9:55 AM EST
Khamiis August 16, 2012(HOL): Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa isbadal xoog leh laga dareemayaa baraamijyada ka baxa idaacadda BBC. Dad badan ayay dhici kartaa in ay la yaaban yihiin waxa sababay isbadalka tayada barnaamijyada, oo uu ka mid yahay midka subixii 7-da aroornimo saacadda Afrikada bari soo gala, waxaa horay uga shaqay jiray muddo sanado ah qof kaliya, iyadoo hadda laba qof ay ka howlgalaan.
Buug cusub oo loogu magac daray Tiirka Nabadda ee Gobollada Dhexe oo lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho
8/16/2012 4:25 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Waxaa Muqdisho lagu soo bandhigay buuq cusub oo diiradda saaraya xaalada gobolada dhexe, iyadoo buugan loogu magac daray [Tiirka Nabada, Carqaladaga iyo Fursadaha Gobolada Dhexe] ayaa waxaa soo bandhigtay xarunta cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD.
Dagaal culus oo Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku dhexmary Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab
8/16/2012 4:22 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badan oo dad rayid ah ay ku jiraanna way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo xalay ka dhacay gudaha iyo daafaha degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Hay'adda Culummada Soomaaliyeed oo baaq u jeedisay Madaxda DKMG ah iyo Odayaasha Xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka
8/16/2012 4:18 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Hay'adda culummada Soomaaliyeed ayaa baaq u jeedisay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ee ku howlan xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.
Xoogagga Al-shabaab oo gubay Gaari Jaad u waday Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose
8/16/2012 4:06 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa shalay gubay gaari jaad u waday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya, iyagoo sidoo kale dilay darawalkii iyo nin kale oo lagu sheegay inuu ahaa ganacsadihii jaadka lahaa.
Somali News
Viewpoint: Can the Mo Farah effect help Somalis and Somalia
-
BBC
8/16/2012 7:38 PM EST
Mo Farah's double Olympic gold brings a much-needed positive image for the Somali people whose name has unfortunately become synonymous with anarchy and lawlessness.
Witness: ND man asked about disposing body in well
-
AP
8/16/2012 4:35 PM EST
A witness testifying in the case of a Jamestown man accused of killing a Somali immigrant says the woman allegedly tried to dispose the body in his well.
Kenya Defense Force kill 73 Al Shabaab militants in Somalia
-
Standard
8/16/2012 1:53 PM EST
Kenya Defence Forces killed 73 Al Shabaab militants in Fafadun, Somalia in a clash that left two soldiers dead.
AMISOM says to continue fight on Al-Shabaab despite chopper crash
-
Xinhua
8/16/2012 1:51 PM EST
MOGADISHU, Aug. 16 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said its operations against Al-Shabaab will continue despite the loss of three Ugandan helicopters en route to reinforce the peacekeeping mission in the Horn of Africa nation.
Rescuers find missing bodies in Uganda helicopter crash
-
AFP
8/16/2012 1:50 PM EST
NAIROBI — Kenyan search teams on Thursday found the final missing bodies of seven Ugandan servicemen killed in a military helicopter crash at the weekend, the army said as it ended its rescue mission.
Somali pirates wish ‘best regards’ in ransom letters
-
ANI
8/16/2012 1:47 PM EST
Mogadishu: Somali pirates are sending politely-worded ransom letters to the owners of vessels they hijack, while outlining what they need to do to get their ships back, and surprisingly, its written in a courteous and business-like tone.
EU-NATO forces free hijacked vessel
-
UPI
8/16/2012 1:44 PM EST
BRUSSELS, Aug. 16 (UPI) -- EU and NATO naval forces freed a ship commandeered by Somali pirates in the Gulf of Aden this week, even as the number of such attacks has dropped sharply.
Viewpoint: Can the Mo Farah effect help Somalis and Somalia?
-
BBC
8/16/2012 1:41 PM EST
Mo Farah's double Olympic gold brings a much-needed positive image for the Somali people whose name has unfortunately become synonymous with anarchy and lawlessness.
Top Somali leaders vie for presidential contest
-
Xinhua
8/16/2012 4:01 AM EST
The three top leaders of the Somali government namely the President, the Prime Minister and the Speaker of the outgoing parliament have all announced their candidature for the upcoming presidential election due in less than a week.
600 Somali soldiers graduate from training
-
Sabahi Online
8/16/2012 3:57 AM EST
A group of 600 Somali soldiers graduated in Mogadishu on Tuesday (August 14th) after training for more than six months in Uganda, Somalia's Radio Risaala reported.
Government demands compensation for crashed choppers
-
UGPulse.com
8/16/2012 3:55 AM EST
Government is considering to demand the African Union and United Nations to compensate Uganda for the crashed chopper and lost soldiers.
Third Body Recovered from Uganda Helicopter Wreckage
-
VOA
8/16/2012 3:53 AM EST
Kenyan search teams have pulled a third body from the wreckage of a Uganda military helicopter and are searching for four soldiers who are still missing.
Officer tells how terror suspect was nabbed
-
Capital FM
8/16/2012 3:50 AM EST
A Kenyan court was told Wednesday that Briton terror suspect Jermaine Grant had a huge bunch of keys and two mobile phones on his waist when he was arrested.
British detectives to testify at Kenyan bomb plot trial
-
Reuters
8/16/2012 3:46 AM EST
London police are expected to give evidence at the Kenyan trial of a British Muslim accused of plotting an attack in Kenya, the prosecutor said on Wednesday.
3 Al-Shabaab suspects killed in Kenya's coastal region
-
Xinhua
8/16/2012 3:44 AM EST
Kenya's security forces have killed three suspected Al-Shabaab militia from Somalia in the coastal region of Lamu as the East African nation enhances security along its borders with the Horn of Africa nation.
Agendas in Somalia skewed, envoy says
-
UPI.com
8/16/2012 3:34 AM EST
Some lawmakers in Somalia are trying to pursue independent agendas in a way that's detrimental to political progress, a U.N. envoy said.
Minnesota: Somali restaurateur to break bread with Sikh leaders
-
MPR
8/16/2012 2:55 AM EST
The deadly shootings at the Sikh temple in Wisconsin last week rattled Abdirahman Ahmed, and he knew he had to do something. Ahmed, a Muslim, decided the best way to show his support for the Sikh community is to ....
160 Somali migrants rescued, four dead
-
MaltaToday
8/16/2012 2:48 AM EST
Two Armed Forces patrol boats sailed into Haywharf Maritime Base this morning, bringing 160 migrants to Malta, after being intercepted at sea on two different boats.
Ethiopia suspends forex reserves
-
Daily Monitor
8/16/2012 1:36 AM EST
The Ethiopian government has suspended the provision of foreign currency in a decision that has been linked to the political uncertainties surrounding Prime Minister Meles Zenawi’s deteriorating health.
Kenya: Moi Urges Somalia Candidates to Foster Stability
-
CapitalFM
8/16/2012 1:13 AM EST
Retired president Daniel arap Moi has challenged Somalia leaders seeking for elective positions in the upcoming elections to exploit the chance and unite the country.