Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Fred Mugisha oo wareysi siiyay BBC Arabic ayaa sheegay in ciidamadooda ay bilaabeen markii ugu horreysay muddo afar sano ah inay ka howlgalaan meel ka baxsan Muqdisho.
Jen. Mugisha wuxuu sheegay in la dajiyay qorshe cusub oo ay Afar saldhig oo waaweyn ay uga sameysanayaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in saldhiggooda koowaad uu noqonayo Muqdisho, saldhigga labaad Baladweyne, saldhigga saddexaad Jubbooyinka iyo saldhigga afaraad oo ay ka sameynayaan gobollada Bay iyo Bakool.
"Saldhigyadan waxaa xukumi doona saraakiil ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuut, Kenya iyo Sierra Leone," ayuu yiri Jen. Mugisha. "Waxaan 100 askari oo ka tirsan ciidamadeenna geynay markii ugu horreysay Baydhabo si ay uga howlgalaan."
Ciidamadooda la geynayo gobollada dlaka ayuu sheegay inay ka qaybqaadanayaan sidii lagu soo celin lahaa ammaanka guud ee Soomaaliya kaddib muddo 20-sano ah oo ay dagaallo ka socdeen.
"Xoogaggeenna kaashanaya shacabka Soomaaliyeed waxay qorsheynayaan inay Al-shabaab ka saaraan gobollada dalka oo dhan. Waxaana rumeysannahay in taasi ay dhacayso," ayuu taliyaha AMISOM u sheegay BBC-da qaybteeda afka Carabiga.
Taliyuhu wuxuu sheegay inay ciidamadooda kala wareegayaan ciidamada Itoobiya goobaha ay ka saareen Al-shabaab, isagoo xusay in Itoobiya aysan ka mid ahayn ciidamada AMISOM, balse uu ka dhexeeyo xiriir wadashaqeyneed.
Hadalka taliyaha ayaa imaanaya iyadoo afhayeenka Al-shabaab uu sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan degmooyinkii horay looga qabsaday ee ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya