Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo xalay koox suxufiyiin iyo fannaaniin ah kula hadlayay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho uu ku yimid khalad ka yimid wasaaradda warfaafinta.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in hay'adaha ammaanka iyo madaxda dowladda aan la ogeyn abaabulka xafladda, taasna ay keentay in si fudud looga faa'iideysto oo laga geysto qarax khasaare badan dhaliyay.
"Dhacdadii ka dhacday tiyaatarka waxaan aamisanahay inuu ka yimid qorshaha xafladda oo sidii loogu talogalay aan loo sameyn," ayuu yiri Sheekh Shariif. Isagoo hadalkiisa ku daray inay ahayd in laga fikiro inay dadku badbaadaan.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in isaga lagu casuumay munaasabadda balse uu u baaqday duruufo kale, isagoo xusay in wasiirka ay weydiisteen intii aan xafladda la qaban inuu keeno qorshaha si wax looga ogaado, balse aan loo keein.
"Al-Qaacida maanta waxay isku dayaysaa inay wax walba adeegsadaan," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo intaas hadalkiisa ku daray: "Infiitooyinka la bixiyay ma ahayn kuwo xadidan ama shaabad leh. Anigu waxaan arkay xildhibaan wuxuuna ii sheegay in 10-infiito la siiyay, marka haddii infiitooyin intaas le'eg la bixiyay sidee lagu sugayaa ammaanka dadka."
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu jiro sharci dhigaya in markii xaflado la qabanayo lala socodsiiyo haya'daha dowladda, isagoo ku baaqay in xafladaha la qabanayo lala socodsiiyo hay'adaha ammaanka si looga hortago qaraxii dhacay oo kale.
"Waxaan rajeynayaa Alle idankiis inaysan dhici doonin wixii hadda dhacay oo kale, waxaana hay'adaha dowladda laga doonayaa in xaflada ay qabanayaan ay ku wargeliyaan ha'yadaha amaanka, haddii ay ku wargelin waydo haya'da ayaa si toos ah u qaadanaysa mas'uuliyada," ayuu si ay caro ku jirto uga sheegay kulanka.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhacdadii Tiyaatarka ay xusuusisay dhacadadii lagu dilay afarta wasiir ee ka dhacday 2009-kii hotel Shaamow, isagoo sheegay in taasina ay ku dhacday mas'uuliyad darro dhinaca ammaanka ah.
Qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan labadii xubnood ee ugu sarreeyay hay'adda ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen xildhibaano kuwaasoo uu ka mid ahaa xildhibaan Mowliid Macaani oo saakay ku dhintay magaalada Nairobi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya