Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Toddoba ruux oo lix ka mid ah ahaayeen haween ayaa ku geeriyooday dooni ay tahriibayaal Soomaaliyeed la socdeen oo cilladi ay ku qabsatay badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.
Doonidan oo ay la socdeen 60-qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haween ayaa bishan kowdeedii ka baxday xeebaha dalka Liibiya iyadoo kusii jeeday Talyaaniga, balse waxay cilladi ku timid markii ay laba habeen ku jirtay badda.
Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, Muxyadiin Maxamed Kaalmow oo la hadlyay VOA-da ayaa sheegay in dhimashadu ay timid kaddib markiii markab dagaal oo Talyaanigu leeyahay uu isku dayay inuu caawiyo tahriibayaasha, taas oo keentay in toddobada qof ay baddu qaadato.
Sidoo kale, qunsulka ayaa magacyada tahriibayaasha dhintay ku kala sheegay: Ciise Tuuryare Cadaawe, Fardowso Xasan Barre, Kadiso Jiinow Axmed, Shamso Maxamed Cadaawe, Ifraax Cabdi Barduuro, Yaasiin Muxyadiin Xasan iyo Saamiyo Yuusuf Cumar.
Laba qof oo haween ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen shil ka dhacay gudaha doonida, kuwaasoo dhaawacyadooda hadda lagu dabiibayo isbitaalk ku yaalla dalka Liibiya.
Tahriibayaasha badbaaday ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidamada badda dalka Liibiya, kuwaasoo hadda ku haya goob gaar ah, lamana oga go'aanka ay ka qaadan doonaan, iyadoo la xusuusto in toddobaadyadii lasoo dhaafay la xirxiray boqolaal tahriibayaal ah.
Dalka Liibiya ayaa wuxuu marin u yahay kumannaan tahriibayaal ah oo isaga goosha Afrika iyo Yurub, waxaana ka mid ah tahriibayaashaas Soomaali, iyadoo ay badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga ay ku dhinteen dad aad u fara badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya