Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Saddexdii masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuqa, ayaa shalay joojiyey cuntaddii, kadib markii ay sheegeen in xadhigooddu yahay mid sharci daro, xadhigoodduna mudadii sharciga ahaa uu dhaafay.
Masuuliyiintan lagu eedeynayo musuqmaasuqa Raashinkii mucaawimada ahayd ee dhowaan la sheegay in la lunsaday, oo ku xidhan jeelka weyn ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay cuntadii ka soomaayn maadaama oo kiiskooda ilaa hadda aan loo gudbin maxkamadda, isla markaana lagu ilaaway jeelka, waxaanay sheegeen in aanay u dulqaadan Karin cadaalad darada lagu sameeyey ee maxkamad la’aanta ah sida ay HOL u xaqiijiyeen eheladda masuuliyiintan Xidhan.
Masuuliyiintan xidhan ayaa kala h Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi jeex, Axmed X. Cabdilaahi Cumar Xamarji, Agaasimihii hore ee dib u dajinta Axmed Cilmi Bare iyo La taliyihii hore ee madaxweyne kux igeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac, oo bil ku dhowaad u xidhan xukuumadda Somaliland, ka dib markii lagu soo eedeeyey musuqmaasuq Raashin mucaawimo ah, haseyeeshee ilaa hadda aan loo hayn wax cadayn ah oo ka marag kacaya kiiskaasi lagu eedeeyey ilaa hadana maxkamad la hor geynin.
garyaqaan Cabdiraxmaan Faysal oo sharciyaqaan ah oo aanu arrintan wax ka waydiinay sharci ahaan ayaa sheegay in 48 saacadood gudahood lagu soo eedeeyey kiiska loo haysto, isla markaana maxkamadda loo gudbiyo uu sharcigu ogol yahay, isagoo arirntaasi ka hadlaya waxa uu yidhi " waxa lagu xadgubay qodob dastuuriya oo ilaalinaya muwaadinka Somaliland, waxaana qodobka 27 ee dastuurka, Faqradiisa 2aad dhigayaan (qofka xoriyada looga qaaday fal dambiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay inuu lagu horgeeyo maxkamad 48 saacadood gudahood laga bilaabo markii la qabtay)"ayuu yidhi
"ilaa hadda ciidamada boolisku uma gudbin xeer ilaalinta sida ay hore u sheegeen in kiiskaasi aan loo soo gudbin, taasina waxay ka hor imanaysaa xaquuqda qofka ee uu dastuurku damaanad qaaday"ayuu yidhi garyaqaan Cabdiraxmaan.
Sidoo kale, maanta oo la filayey in la keeno maxkamadda degmadda Hargeysa sddexdan masuul ayaan la keenin, haseyeeshee, waxa maxkamadda la keenay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, waxaana loo jaray Rumaan sii hayn ah ilaa inta la baadhayo kiiskiisa.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland