Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2012
Al-shabaab oo ku hanjabtay inay dib u qabsanayso Degmooyinkii laga qabsaday ee ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Somalia

Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay waddo qorshey ay ku doonayso inay dib ugu qabsato degmooyin ku yaalla gobollada bartamaha iyo Koonfurta Soomalaiya oo ay qabsadeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxmauud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo dad badan kula hadlayay Sabtidii shalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan dhammaan degmooyinkii laga qabsaday.

"Waxaan u sheegaynaa Soomaalida oo dhan inaysan niyadjabin ku noqon maqalka degmooyinka la qabsaday sida Baydhabo iyo Xudur, waxaan wadnaa qorshe aan dib ugu saarayno cadowga soo duulay," ayuu Sheekh Cali Dheere u sheegay dadkii uu la hadlayay.

Afhayeenka Al-shabaab, wuxuu ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ku eedeeyay inay kusoo xadgudbeen dalka Soomaaliya, isagoo inay ciidamada dowladda KMG ah gacan ku siinayaan sidii lagu burburin lahaa walaayaadka islaamiga ah ee dalka ka jira.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo caawinaya ciidamada DKMG ah ayaa waxay tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab degmooyin ku yaalla baratmaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood la qabsaday dagaal la'aan.

Xarakada Al-shabaab oo ka talinaysay muddo saddex sano ka badan inta badan gobollada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa saaran culeys milateri oo kaga imaanaya dalalka dariska ah iyo ciidamada AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/8/2012 11:18 PM EST
Twin City Stars Minnesota 4 vs 2 ku dardaray Kooxda TSS-Tenn kuna guuleystay Koobkii Spring break Tournament ee Ohio.

4/8/2012 10:25 PM EST
Hereri & Hargeisa oo lagu wareysandoono Duuliye Cabdi Maxamed Rodol iyo wariyaha caanka ah ee Axmed Xasan Cowke

4/8/2012 9:02 AM EST
Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhaxeeya xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo kuwa Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka dhacay maanta qeybo ka mid ah gobollka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

4/8/2012 8:48 AM EST
Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Shirweynihii urur siyaasadeedka WADANI, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaaladda Hargeysa,gaar ahaanna Hoolka weyn ee hotel Maansoor.

4/8/2012 8:37 AM EST
Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Fred Mugisha oo wareysi siiyay BBC Arabic ayaa sheegay in ciidamadooda ay bilaabeen markii ugu horreysay muddo afar sano ah inay ka howlgalaan meel ka baxsan Muqdisho.

4/8/2012 8:01 AM EST
Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo xalay koox suxufiyiin iyo fannaaniin ah kula hadlayay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho uu ku yimid khalad ka yimid wasaaradda warfaafinta.

4/8/2012 7:23 AM EST
Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan degmada Baydhabo ee gobolka Bay iyo ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali oo isna ku sugan Muqdisho ayaa waxay ka tacsiyeeyeen geeridii ku timid xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud.

4/8/2012 6:51 AM EST
Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Toddoba ruux oo lix ka mid ah ahaayeen haween ayaa ku geeriyooday dooni ay tahriibayaal Soomaaliyeed la socdeen oo cilladi ay ku qabsatay badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

4/8/2012 6:35 AM EST
Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Saddexdii masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuqa, ayaa shalay joojiyey cuntaddii, kadib markii ay sheegeen in xadhigooddu yahay mid sharci daro, xadhigoodduna mudadii sharciga ahaa uu dhaafay.

4/8/2012 5:17 AM EST
Axad, April 08, 2012(HOL): Waxaa shalay oo Sabti ahayd 07/04 kulan aan caadi aheyn ku yeeshay guddiga fulinta GOS iyo madaxda xiriirada magaalada Muqdishu.

4/8/2012 2:56 AM EST
Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo saakay oo Axad ah xafiiska madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu magacaabay guddi farsamo oo heer wasiir ah, kuwaasoo ka shaqeynaya wadahadallo dhexmara dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

4/8/2012 2:35 AM EST
Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxii Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho ugu geeriyooday saakay oo Axad ah isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.