Axad, Abriil 08, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo saakay oo Axad ah xafiiska madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu magacaabay guddi farsamo oo heer wasiir ah, kuwaasoo ka shaqeynaya wadahadallo dhexmara dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasiirradan iyo guddiga ka socda dowladda KMG ah ay ku kulmi doonaan magaalada London ee dalka Britain, balse kuma cadda warka xilliga ay kulmi doonaan.
Wasiirrada ay Somaliland u magacowday u gogol-xaarka wadahadallo dhexmara Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay kala yihiin:
- Wasiirka arrimaha dibadda; Maxamed Cabdullaahi Cumar
- Wasiirka arrimaha gudaha; Maxamed Nuur Caraale Duur
- Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeynta; Axmed Cabdi Xaabsade
- Wasiirka Cadaaladdda; Xuseen Axmed Caydiid
- Wasiirka Beeraha; Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)
Sidoo kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Somalilanda ay ka go'an tahay fulinta go'aannadii kasoo baxay shirkii London, iyagoo sheegay in guddigan uu ka qaybgalaya kulan loogu gogol-xaaryo wahadallada.
Waa markii ugu horreysay oo Somaliland ay si buuxda u ogolaato inay wadahadallo la furto dowlad Soomaaliyeed tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-kii.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay guddi u magacabaayaan wadahadallo lala galo Somaliland, inkastoo aanay dowladda KMG ah si rasmi ah ugu dhawaaqin magacyada guddigeeda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya