Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Warbixin ay soo saartay hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayay kaga warbixisay howlihii caafimaad ee ay Soomaaliya ka qabtay sannadkii hore 2011, iyadoo xustay in weli ay taagan yihiin xaaladihii bani'aadmanimo ee Soomaaliya iyo macluushii laga dhaxlay abaarihii sannadkii hore.
Hay'adda MSF waxay warbixinteeda ku sheegtay in gobollada ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka waddo 22-mashruuc oo dhinaca caafimaadka u badan, sidoo kalena ay ka waddo mashaariic kale xeryaha qoxootiga ee Kenya iyo Itoobiya oo ay ku jiraan qoxooti Soomaaliyeed oo fara badan.
"Bilihii May iyo Diseembar sannadkii hore 2011, MSF waxay daweysay 95,000 oo bukaan kuwaasoo ku jiray xaalad macluul ah. Sidoo kale waxay 6,000 oo bukaan ka daweysay cudurka jadeecada, iyadoo sidoo kale cudurro kala duwan ka tallaashay 235,000 oo caruur ah," ayay MSF ku sheegtay warbixinteeda.
Sidoo kale, hay'addu waxay sheegtay in xarumaheeda caafimaadka lagu dhaliyay 5,500 oo haween ah, sidoo kalena 450,000 oo kale la siiyay talooyin ku saabsan xaaladaha uurka iyo dhalmada.
Hay'addu waxay sheegtay in xoogagga hubeysan ay kala hadashay sidii ay fursad ugu siin lahaayeen shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya inay howlahooda si nabadgalyo ah ku gutaan.
Wrabixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in MSF ay dalalka Itoobiya iyo Kenya kala hadashay howlaheeda ku saabsan caawinta dadka xaaladaha bani'aadamnimo ay ku haystaan dalalkooda.
Ugu dambeyn, hay'addu waxay warbixinteeda oo koobnayd ku sheegtay inay sii wadi doonto howlaha caafimaad ee ay kawaddo gudaha Soomaaliya iyo xeryaha qoxootiga ee ku yaalla dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya