
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Waxaa magaalada Stockholm ee caasimadda ee dalka Sweden lagu qabtay kulan ballaaran oo loogu talagalay in loogu baroordiiqo madaxdii sportiga iyo dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaallada ee magaalada Muqdisho arbacadii la soo dhaafay. Bahweynta sportiga dalka Sweden ayaa soo qaban qaabiyey kulanka tacsida ah, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda.
Kulanka waxaa lagu bilaabay aayadaha Quraamka Kariimka. Waxaana si gaar ah looga hadlay taariikh nololeedkii labada mas’uul ee ka geeriyooday . Axmed Sabriye Gaabow ayaa ka sheekeeyey Allaha u naxariistee Aadan Xaaji Yabarow Wiish, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan waqtigii uu ku soo biiray sportiga iyo xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay, iyo waxqabatkiisii shaqo iyo horumarkii uu ka sameeyey sportiga dalka Soomaaliyeed.

Cabdi Cadde ayaa isagana ka sheekeeyey taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee Saciid Maxamuud Nuur (Mugaabe), guddoomiyaha XKC ee Soomaaliyeed.
Bahda Sportiga Sweden oo uu u hadlaayey Xiirey Axmed Rooble ayaa ka hadlay sababta loo soo qaban qaabiyey kulankan tacsida ah, ay aheyd in ay dareenkooda ka muujiyaan qaraxii naxdinta lahaa ee ka dhacay Golaha Murtida & Madadaalada Qaranka. Wuxuuna tacsi u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reerkii ay ka tageen labada mas´uul, iyo bahda Sportiga Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Wuxuuna ka codsaday in uu iska cafiyo qofkii wax ka tababanayay labada mas´uul, Eebbena looga baryo jannadii Fardowda AAMMIIN.

Waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka xildhibaan Drs. Aamina Saciid iyo xildhibaan Cabdulqaadir Cukaash, oo labada muujiyey sida ay u xun yihiin wixii dhacay. Waxay labada xildhibaan dalbadeen in loo midoobo dadka caadeystay in ay shacabka dhibaateeyaan.
Waxaa kaloo ka hadlay dad badan oo magac iyo maamuus ku leh ummadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Sweden, oo aan halkan magacyadooda lagu soo koobi karin.
Waxaa kulanka goob joog ka ahaa bahda warbaahinta gaar ahaa SNTV, Royal TV, Somali Channel, iyo websityada Hiiraan Online, CiyaarahaDunida, iyo CeelbuurNet.















C/llaahi Cilmi M. (Asad)
Stockholm, Sweden