Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2012
Swedan oo ku guuleysatay Tartankii Cayaartoyda Cuslaatay oo lagu qabtay Wadanka Finland (SAWIRRO)


Talaado, April 03, 2012(HOL): Magaaalada Helsinki ee caasimada wadanka Finland ayaa waxaa ka dhacay tar-tanka cayaartoyda cuslaatay ee wadamada Yurub. Tar-tankan oo sanadkan loogu magacdaray allah u naxariistee Axmed Cali xasan (jamhuuriya) oo bahda sportiga soomaaliyeed aad u wada yaqaaneen ahaana nin sporti ah, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay sagaal kooxood oo ka kala yimid wadamada Sweden, Denmark, Finland (Labo kooxood) iyo shan kooxood oo ka yimid wadanka England oo kala ah Streatham, Wambley, North London, Southall iyo koox ka timid magaalada Manchester.

Tar-tankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay ururka dhaqanka iyo sportiga ee SOCUS iyo qaar kamid ah bahda sportiga soomaaliyeed ee wadanka Finland. Cayaarahan oo ahaa kuwo aad u xiiso badnaa, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay cayaartoydii cuslaatay ee kooxihii heerka koowaad ee Seria A-da iyo kuwa hiwaayadoodu ay tahay cayaarida kubadda cagta oo ka cuslaaday tar-tamada, laakiin weli cayaara kubadda cagta.

Tartankan ayaa socday mudo labo maalmood ah oo kala ahaa 30 - 31.03.2012  Sagaalka kooxood ee tar-tanka ka soo qeyb-gashay ayaa maalintii koowaad wada cayaaray cayaaro wareegga koowaad ah. Ka dib, waxaa wareega labaad ee cayaaraha isugu soo baxay afarta kooxood ee kala ah Denmark, Sweden, Southall iyo North London.

Afarta kooxood ayaa u ciyaaray sidan
Sweden Vs North London 3 - 2
Southall Vs Danmark  5 - 4 (Rigoorayaal)
 

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha SOCUS mudane Ahmed Imad iyo Gud-xigeenka Isse jeyte, xogayaha ururka Qooje,  juujuule,  yaasiin kuwaasoo uga mahadceliyay kooxihii iyo shaqsiyaadkii ka soo qayb galey tartankaan,

Waxaa ka dib cayaartii kama danbeysta aheyd ee finalka aheyd isugu soo baxay labada kooxood ee kala ah Sweden iyo kooxda Southall oo ka socotay galbeedka magaalada London. Cayaartan oo aheyd cayaar aad u xiiso badneyd oo dad aad u badan ay ka soo qeyb-galeen ayaa waxay ku dhamaatay 3 - 2 ay ku guuleysteen kooxdii ka socotay wadanka Sweden.
 
Intii ay cayaarahaas socdeen ayaa waxaa loo gartay in uu noqdo cayaaryahankii ugu wanaagsanaa cayaaryahan cawad oo u ciyaaraayey swedan ahaana cayaartoydii hore ee soomaaliya qaranka iyo kooxdii bada, goolhayihii ugu wanaagsanaa waxaa loo gartay goolhayihii swedan Axmed, gool dhalinta waxaa ku guuleystay cali cadaani oo dhaliyey  6 gool.

Tar-tanka sannadkan 2012 oo ahaa kii lixaad ayaa waxaa ku guuleystay kooxdii ka timid wadanka Sweden oo uu horkacaayey Boos Caato iyo cali cade.


Tar-tankan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay cayaartoy badan oo caan ka ahaa wadanka soomaaliya oo ay kamid yihiin Nuur Gaab, Cawad, Sheegoow, Cabdullahi Baynax, Jackson, Sadak Moosow, Jamayka, Waaberi, Aweys Ider, Mustaf Farey, Siidi, Mustaf Adan, Cabdi Fitik, Cabdi Caagane, Bile Axmed Diiriye iyo Cumar Reeto. Sidoo kale, waxaa cayaarahan goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay ururada sportiga, ururka Gos iyo xiriirada Wasaaradda Sportigga Soomaaliyeed.
 
Iyadoo halkaas ay ka hadleen mas,uuliyiin fara badan kuna dheeraaday sidii loo xoojin lahaa horumarinta sportiga gudaha iyo dibadaba waxay amaan gaara u soo jeediyeen ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka Finland ugana mahad celiyeen soo dhaweyntii wanaagsaneyd ee loo sameeyey.
 
Tar-tankan ayaa ku dhamaaday si wanaagsan oo nabad ah.














Axmed Cabdullahi  (Imad)
Helsinki, Finland





Post your comments

4/3/2012 1:01 PM EST
Xafladdii Daahfurka ee xisbiga TAYO oo lago qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

4/3/2012 8:19 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Ciidamada badda dalka Iiraan ayaa gacanta ku dhigay 13-burcadbadeed Soomaaliyeed ah, kaddib markii dagaal socday muddo 48-saacadood ah uu ku dhexmaray badweynta Hindiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iiraan.

4/3/2012 8:17 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyadda Sanadka 2012 oo dhan 147,749,422. Dollarka Maraykanka ah.

4/3/2012 8:08 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Kaddib markii maalintii shalay gudaha magaalada Beledweyne dil loogu geystay Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray ALLAHA u naxariisteen Xasan Xaaji Dalabey ayaa arintaa waxaa ka hadllay maamulka gobolka Hiiraan.

4/3/2012 7:42 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa sii daayay markab kuwa xamuulka ah oo laga lahaa dalka Iiraan, kaddib markii la siiyay lacag madaxfurasho ah oo aan cadadkeeda la cayimin.

4/3/2012 6:34 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Saraakiisha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah ayaa sheegay in ay badbaadiyeen gaadiid raashiin u siday hay'adda ICRC, kuwaasoo ay soo weerareen dagaalyahanno katirsan xoogagga Al-shabaab ee gobolkaasi Gedo.

4/3/2012 6:31 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa dhinac iska mariyay warbixin 28-kii bishii aynu soo dhaafnay ay soo saartay hay’adda Human Rights Wacth taasoo lagu sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan degmooyinka Beledweyne iyo Baydhabo tacadiyo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha kula kacaan dadka rayidka ah.

4/3/2012 6:26 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa xalay toogasho ku dilay nin kamid ahaa dadka deegaanka oo madaxa looga jiray laguna magacaabi jiray Xasan Sheekh Max'ed Keynaan, islamarkaasina caan ka ahaa degmada luuq.

4/3/2012 2:06 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro cunug yar ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo xalay ku dhexmaray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga Al-shabaab.

4/3/2012 2:04 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey), oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa wadanka Mareykanka ayaa kulan uu shalay la qaatay qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Minnesota ka sheegay in ay dhawaan midoobi-doonaan mamaulada ka jira gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

4/3/2012 2:03 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 12-ruux oo laba ka mid ah ay shacab ahaayeen ayaa ku dhintay dagaallo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Gedo ee Koonfurta Somaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof oo kale.