Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2012
Video: Xafladdii daahfurka ee Xisbiga TAYO




Post your comments

4/3/2012 1:21 PM EST
Talaado, April 03, 2012(HOL): Magaaalada Helsinki ee caasimada wadanka Finland ayaa waxaa ka dhacay tartanka cayaartoyda cuslaatay ee wadamada Yurub. Tar-tankan oo sanadkan loogu magacdaray allah u naxariistee Axmed Cali xasan (Jamhuuriya) oo bahda sportiga soomaaliyeed aad u wada yaqaaneen ahaana nin sporti ah....

4/3/2012 8:19 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Ciidamada badda dalka Iiraan ayaa gacanta ku dhigay 13-burcadbadeed Soomaaliyeed ah, kaddib markii dagaal socday muddo 48-saacadood ah uu ku dhexmaray badweynta Hindiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iiraan.

4/3/2012 8:17 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyadda Sanadka 2012 oo dhan 147,749,422. Dollarka Maraykanka ah.

4/3/2012 8:08 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Kaddib markii maalintii shalay gudaha magaalada Beledweyne dil loogu geystay Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray ALLAHA u naxariisteen Xasan Xaaji Dalabey ayaa arintaa waxaa ka hadllay maamulka gobolka Hiiraan.

4/3/2012 7:42 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa sii daayay markab kuwa xamuulka ah oo laga lahaa dalka Iiraan, kaddib markii la siiyay lacag madaxfurasho ah oo aan cadadkeeda la cayimin.

4/3/2012 6:34 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Saraakiisha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah ayaa sheegay in ay badbaadiyeen gaadiid raashiin u siday hay'adda ICRC, kuwaasoo ay soo weerareen dagaalyahanno katirsan xoogagga Al-shabaab ee gobolkaasi Gedo.

4/3/2012 6:31 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa dhinac iska mariyay warbixin 28-kii bishii aynu soo dhaafnay ay soo saartay hay’adda Human Rights Wacth taasoo lagu sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan degmooyinka Beledweyne iyo Baydhabo tacadiyo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha kula kacaan dadka rayidka ah.

4/3/2012 6:26 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa xalay toogasho ku dilay nin kamid ahaa dadka deegaanka oo madaxa looga jiray laguna magacaabi jiray Xasan Sheekh Max'ed Keynaan, islamarkaasina caan ka ahaa degmada luuq.

4/3/2012 2:06 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro cunug yar ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo xalay ku dhexmaray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga Al-shabaab.

4/3/2012 2:04 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey), oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa wadanka Mareykanka ayaa kulan uu shalay la qaatay qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Minnesota ka sheegay in ay dhawaan midoobi-doonaan mamaulada ka jira gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

4/3/2012 2:03 AM EST
Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 12-ruux oo laba ka mid ah ay shacab ahaayeen ayaa ku dhintay dagaallo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Gedo ee Koonfurta Somaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof oo kale.