Talaado, Abriil 03, 2012 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa sii daayay markab kuwa xamuulka ah oo laga lahaa dalka Iiraan, kaddib markii la siiyay lacag madaxfurasho ah oo aan cadadkeeda la cayimin.
Markabkan oo ay la socdeen 23-shaqaale ah ayaa lagu magacaabaa MV Eglantine waxaana kooxaha afduubka ku haystay ay afduubeen toddobaad ka hor, isagoo marayay badweynta Hindiya.
Shirkadda markabka iska leh ayaa xaqiijisay in markabka lasii daayay, kaddib markii Isniintii ay heleen kooxihii haystay madaxfurasho lacageed, balse lama caddeyn cidda bixisay madaxfurashada lacageed.
Markabkan laga leeyahay dalka Iiraan ayay burcadbadeeddu afduubeen isagoo ka yimid dalka Baraasiil oo uu kasoo qaaday sokor kuna socday dalka Iiraan, wuxuuna noqonayaa markabkii ugu waqtiga yaraa ee burcadbadeedda laga siiyo lacag madaxfurasho ah.
Sannadkan ayaa lagu sheegay inuu yahay dhowr markab la afduubay, iyadoo bilihii u horreeyay sannadkan ee Jannaayo iyo Feberaayo la afduubay laba markab oo ay burcadbadeeddu ka qabsadeen meel ku dhow xeebta dalka Cummaan iyo sidoo kale marinta baabul-mandab oo u dhexeeya Jabuuti iyo Yemen.
Maraakiibta ay burcadbadeeddu haystaan ayaa afar ka mid ah waxaa iska leh shirkado daggan dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo laba ka mid ah maraakiibtan la haysto muddo dheer.
Labada markab ee muddada dheer la haystay ayaa waaxy kala yihiin: MV Iceberg 1, kaasoo ay burcadbadeeddu qabsadeen bishii Maarso sannadkii 2010, mid ka mid ah shaqaalihiisana uu ku dhintay markabka dushiisa, halka markabak kale oo lagu magacaabo isagana MV Orna la qabsaday bishii November sannadkii hore.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya