Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2012
Xisbiga Nabada Iyo Hormarka oo sheegay in Madaxda Dowladda ay wadaan qorshe ay ku keensanayaan xubno dib u soo doorta

Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed uu Xisbiga Nabada iyo Hormarka kasoo saaray Muqdisho ayuu ku sheegay inaysan macquul ahayn inay wax sax ah kasoo baxaan qorshaha xiliga kala guurka ee Soomaaliya, wuxuuna xisbigu sheegay in haatan qorshaha socda uu yahay in mas'uuliyiinta dowladda ay soo xulanayaan baarlamaankii dib u soo dooran lahaa mar kale.

Warsaxaafadeedka uu xisbigu soo saaray ayaa wuxuu u qornaa sidan:

Fashilka ku yimid dowlad dhisidda Soomaaliya in ka badan 22-sano oo colaado ah kaddib, waxaa aasaas u ahaa in la takooro koox kasta oo leh muuqaal wadaninimo abaabulan oo aan hubeysnayan, hadday tahay mid siyaasadeed iyo mid bulsho. Dhaqanka noocaas ah waxaa ka dhashay:

1. In arrimaha siyaasadda la qofeeyo oo la maqaam gaabiyo falgalka hay’adaha sida in:

  • Madaxda Dowladda Federaalka KMG ah isu furfurto qof qof, taas oo micna tirtay hay’adihii dowladda.
  • Qofka oo ka muhiimsanaada ama ka maqaam sarreeya hay’adda.
  • Maqnaanshaha qorshe cad oo salka loogu dhigayo dowladnimada kana tarjumaya danaha bulsha, raallina ay ka yihiin.
  • Takoorid lagu sammeeyo kooxaha abaabulan sida xisbiyada, madallada (Forums) iyo ururrada bulshada inay talada dalka rayi ku yeeshaan iyagoo hay’ado ah oo aan la qofeyn.

2. Dhiirrigelinta sii kala qeybsanaanta dalka iyo dadka sida:

  • Dib u abaabulidda kooxo hubeysan iyo hoggaamiye kooxeedyo cusub.
  • Dhiirrigelinta maamul-goboleedyo gacan ku sammeys ah oo aan kalsooni ka haysan shacabka.
  • Madaxda DKMG oo door bideysa iney shisheeyaha u garabsadaan aaya ka talinta Soomaaliya.

3. Dhirrigalinta Dhaqan kaligiitalisnimo

  • Dowladdu waxay is hortaag ku samaysay mudaaharaadyo nabadeed oo ay shacabka soomaaliyeed ku cabiri lahaayeen dareenkooda ku aadan siyaasadda ka socota dalka.
  • Madaxda Dowladda KMG oo si bareer ah howlgab uga dhigtay Cahdigii ay ku dhisnaayeen iyo Hay’addii sharci dajinta (Baarlammaanka).

4. Musuqmaasuq baahay:

  • Caalamiyan, Somaaliya waxay noqotay dowladda ugu musuqmaasuqa badan dunida.
  • Majiraan dabagal iyo la xisaabtan hufan oo ku salaysan hab dowladeed nidaamsan.
  • Shaqaalihii Dowladda oo ay ciidamadu ugu horeeyaan oo aan helin mushahaar waqtiyeysan.
  • Kalsoonidii bulshada Soomaaliyeed iyo tii caalamka oo dhuntay.
  • Waqtiga isbeddellada lagu sammeyn lahaa oo la daahiyo si wax walba degdeg looga dhigo ka dibna loo musuqmaasuqo taasoo meesha ka saareysa in helo dadkii sida saxda ah u matali lahaa ummadda.
  • Xodxodasho iyo ballanqaadyo lagu abuurayo gobollo iyo degmooyin been abuur ah si loo kasbado taageerada beelaha iyo hoggaamiyayaashooda.

5. Karti darro siyaasadeed iyo mid maamul ee hoggaanka dowladda:

  • Guuldarro ballaaran ee dhaqangelinta howlaha kala guurka.
  • Sammeyn la’aanta ciidan amni oo la isku halleyn karo.
  • Soo celin la’aanta kalsoonida shacabku ku qanbi karo dowladnimada.
  • Fashalka ku yimid ku baahinta iyo xoojinta maamulka dowladda ee degmooyinka iyo gobollada.

Soo noqnoqoshada isqabqabsiga hoggaamiyayaasha sare ee dowladda Xisbiga nabadda iyo Horumarka markuu arkay duruufaha uu dalku ku sugan yahay oo ay ka mid yihiin kuwa sare ku xusan wuxuu ku qancay in aaney suurtagal ahayn in isbaddellada dib loogu qaabeynayo dowladnimada ay si sax ah u maareeyaan ragga isku magacaabay saxiixayaasha.

Sida ay hadda wax ku socdaan waxay Soomaaliya ku sii riixeysaa meel mugdi ah oo aan la garaneyn waqtiga iyo qiimaha ay ugu kici doonto shacabka Soomaaliyeed inay dib uga soo kabtaan.

Haddaba Xisbiga Nabadda iyo Horumarka wuxuu soo jeedinayaa talooyinkan hoos ku qeexan:

  1. In maareynta shirweynaha wakiillada shacabka (Constituent Assembly) ay hoggamiyaan dad lagu yaqaan karti iyo daacadnimo oo aan lahayn rabitaan siyaasadeed (political ambition) ama taageersaneyn cid leh rabitaan siyaasadeed.
  2. In la sammeeyo guddi garsoor (arbitration committee) oo go’aan kama dambeys ah ka gaara arrimaha ay beeluhu isku mariwaayaan.
  3. In odayaasha dhaqanku ahaadaan kuwo ku yimid raad-raac dhaxaltooyo iyo kuwo ay iyagu qireen ama ka marqaati kaceen asal ahaantooda.
  4. Maadaama waqtiga shirweynuhu kooban yahay, suurtagalna aaney ahayn in arrimaha qaarkood looga doodo madasha shirweynaha, waa in bulshada rayidka ay soo xusho guddiyo farsamo oo talo ka soo jeediyo, shirweynuhana uu go’aan ka gaaro.
  5. In Bulshada rayidka, xisbiyada siyaasadda, siyaasiyiinta madaxbannaan iyo DKMG si wadajir ah usoo diyaariyaan hab-raaca shirka lagu maamulayo (ground rules)

Digniin

Xisbiga nabadda iyo Horumarka wuxuu ka digayaa in beelaha Soomaaliyeed iyo hoggaamiyayaashooda aan lagu qaldin waxaa la idiin oggolaanayaa degmo ama gobol. Sammeynta degmo ama gobol waxay u baahan tahay sharci lagu sammeeyo iyo dowlad fuli karta go’aannadeeda. Waxaa xaqiiqo ah in arrimaha noocan ah ka imaan karto colaad hor leh oo ka dhex dhacda beelaha iyo jufooyinka wada dega degaannada qaarkood.

Baaq

Xisbiga Nabadda iyo Horumarka wuxuu ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay ummaddooda uga faa’ideeyaan fursadda dahabiga ah ee ay dalka iyo dadka ugu hiilli karaan maanta.

Si dalku uga baxda dowlad la’aanta ragaadisay ama dowlad xumida, u hiilliya Soomaaliya oo usoo xula dad aad hubtaan aqoontooda, kartidooda ammanadooda iyo daacadnimadooda si dowladnimada Soomaaliya cagaheeda isugu taagto mar kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/17/2012 12:54 PM EST
Talaado, April 17, 2012 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay wasaarada dastuurka kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah.

4/17/2012 8:04 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ra'iisul wasaare ku xigeenka ahan wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DKMG ah, C/wahaab Ugaas Xuseen ayaa maanta u dhoofay Puntland si ay uga qaybgalaan shirka ansixinta dastuurka Puntland oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Garoowe.

4/17/2012 6:54 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo kalluumeysato ah ayaa ku dhaawacmay duqeyn ay diyaarado dagaal oo aan la garanayn ay xalay ka geysteen deegaanka Gumbax oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.

4/17/2012 6:34 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Wafdi ballaaran oo ka socda hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa shalay gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoona ujeedada booqashada wafdiga ay ahayd in uu qiimeyn ku sameeyo xaaladda bini'aadamino iyo tan nabadgelyo ee ka jirta degmada Luuq ee gobolka Gedo.

4/17/2012 3:12 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa uga digtay dowladda Sierra Leone inay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya, haddii ay dib u ceshan doonto askarteeda oo la dilay.

4/17/2012 2:55 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, Mr. André Marcela oo Muqdisho kula warbaahinta ayaa sheegay in mas'uuliyiinta DKMG ah ee Soomaaliya uu kala hadlay qaabka loosoo xulayo odoyaasha ansixinaya dastuurka Soomaaliya iyo xulidda xildhibaannada cusub ee bedelaya kuwa hadda shaqeynaya.

4/17/2012 2:25 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Weerar ismiidaamin ah oo sakaay Baydhabo ka dhacay ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab waxaana ku dhintay hal askari oo la sheegay inuu dhaawac halis ah kasoo gaaray qaraxaas.