Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2012
Faahfaahin ku saabsan Ismiidaamin ka dhacday Degmada Baydhabo iyo Al-shabaab oo Mas'uuliyada sheegatay

Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Weerar ismiidaamin ah oo sakaay Baydhabo ka dhacay ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab waxaana ku dhintay hal askari oo la sheegay inuu dhaawac halis ah kasoo gaaray qaraxaas.

Ruuxa ismiidaaminta fuliyay ayaa wuxuu markii hore isku dayay inuu galo xarun kasoo horjeedday xarunta ay Qaramada Midoobay ay ku leedahay Baydhabo oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan kuwa nabadsugidda DKMG ah, balse waxaa u diiday ilaaladii xaruntaas, isagoo markaas kaddib is-qarxiyay.

"Ismiidaamiyaha markii uu ku guuldarreystay inuu galo xarunta ayuu billaabay inuu cararo isagoo ugu dambeyn isku qarxiyay mid ka mid ah ciidamada nabadsugidda DKMG ah, kaasoo dhaawac soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka degmada," ayay HOL kasoo xigatay goobjooge iyo sarkaal ka tirsan dowladda KMG ah.

Balse sarkaal ka tirsan xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen weerarka ayna ku dileen saddex sarkaal oo Itoobiyaan ah iyo mid kale oo Soomaali ah, kaasoo uu ku magacaabay Maxamed Dheere, sarkaal kale oo Soomaali ahna ay ku dhaawaceen.

"Weerarka wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaana la beegsannay saldhig ay joogeen saraakiil ka tirsan nabadsugidda DKMG ah iyo kuwa ciidamada Itoobiya, sidii aan ugu talogalnay ayuuna u dhacay," ayuu yiri sarkaalka ka tirsan xafiiska wafaafinta ee Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Baydhabo ayaa qaraxa ku tilmaamay mid aad u xooggan. "Wuxuu ahaa mid aad u xoog badan... waxaana goobta ku arkay qof dhitay," ayay tiri Sacdiyo Nuur oo ka mid ah dadka ku nool degmadaas.

Horraantii bishan ayay ahayd markii weerar loo adeegsaday miino la dhigay suuqa Baydhabo lagu dilay 11-qof oo shacabka in ka badan 30-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.

Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan kala wareegay Al-shabaab degmada Baydhabo oo 250-km u jirta xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ismiidaamintan ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo degmadaas ka dhacda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/17/2012 12:54 PM EST
Talaado, April 17, 2012 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay wasaarada dastuurka kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah.

4/17/2012 10:39 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed uu Xisbiga Nabada iyo Hormarka kasoo saaray Muqdisho ayuu ku sheegay inaysan macquul ahayn inay wax sax ah kasoo baxaan qorshaha xiliga kala guurka ee Soomaaliya, wuxuuna xisbigu sheegay in haatan qorshaha socda uu yahay in mas'uuliyiinta dowladda ay soo xulanayaan baarlamaankii dib u soo dooran lahaa mar kale.

4/17/2012 8:04 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ra'iisul wasaare ku xigeenka ahan wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DKMG ah, C/wahaab Ugaas Xuseen ayaa maanta u dhoofay Puntland si ay uga qaybgalaan shirka ansixinta dastuurka Puntland oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Garoowe.

4/17/2012 6:54 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo kalluumeysato ah ayaa ku dhaawacmay duqeyn ay diyaarado dagaal oo aan la garanayn ay xalay ka geysteen deegaanka Gumbax oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.

4/17/2012 6:34 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Wafdi ballaaran oo ka socda hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa shalay gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoona ujeedada booqashada wafdiga ay ahayd in uu qiimeyn ku sameeyo xaaladda bini'aadamino iyo tan nabadgelyo ee ka jirta degmada Luuq ee gobolka Gedo.

4/17/2012 3:12 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa uga digtay dowladda Sierra Leone inay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya, haddii ay dib u ceshan doonto askarteeda oo la dilay.

4/17/2012 2:55 AM EST
Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, Mr. André Marcela oo Muqdisho kula warbaahinta ayaa sheegay in mas'uuliyiinta DKMG ah ee Soomaaliya uu kala hadlay qaabka loosoo xulayo odoyaasha ansixinaya dastuurka Soomaaliya iyo xulidda xildhibaannada cusub ee bedelaya kuwa hadda shaqeynaya.