Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2012
Dagaal Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanno ka tirsan Gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya

Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Jiiro Mad-Sheekh oo ku dhow degmada Bardaale ee gobolka ee gobolka Bay.

Lama oga khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas, waxaana la sheegay in dagaalku uu ahaa mid gaadmo ah oo ay xoogagga Al-shabaab la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay weerarkaas ku dileen askar badan oo Itoobiyaan ah, mana jirto war kasoo baxay dhinaca dowladda KMG iyo Itoobiya oo ku saabsan dagaalka oo socday muddo saacad ah.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa waxay sheegtay inay deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay ay qarax kula beegsadeen gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya halkaasna ay ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka Uralka loo yaqaan ee ay Itoobiya caanka ku tahay.

Xaaladda ayaa hadda daggan, iyadoo deegaannadii ay dagaallada iyo qaraxyadu ka dhaceen ay xilligan ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya, lamana oga halka ay aadeen xoogaggii Al-shabaab ee weerarrada ka dambeeyay.

Gobolka Bay ayaa waxaa tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan oo Al-shabaab lagala wareegay degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolkaas ka dhacayay dagaallo u dhexeeya ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/14/2012 8:46 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta xukunno dil iyo xabsi isugu jira ku ridday toddoba qof oo la sheegay inay ka tirsanaayeen xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

4/14/2012 8:39 AM EST
Sabti, April 14, 2012 (HOL)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng:Maxamed Xaashi Cilmi,ayaa xalay muxaadiro uu ku wacyigelinayo dhalinyaradda jaamacadaha dhigata ugu jeediyey boqolaal dhalinyaro oo iskugu yimid hotel Maansoor ee magaaaladda Hargeysa.

4/14/2012 8:38 AM EST
Sabti, April 14, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland,Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta ka qaybgalay shirweynihi 3aad ee golaha dhexe ee xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo ka qabsoomay hotel Maansoor ee magaaaladda Hargeysa.

4/14/2012 8:24 AM EST
Sabti, April 14, 2012(HOL): U Qeybsanaha Arrimaha Milleteriga ee Soomaaliya G/lle Sare Shiikh Aweys Macoow Maxaad oo fadhigiisu yahay Roma ee dalka Talyaaniga ayaa si rasmi maanta hawshiisi u billaabay...

4/14/2012 8:19 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa dowladda KMG ah iyo AMISOM ku eedeeyay mas'uuliyadda weerarrada argagaxiso ee ka dhacaya Muqdisho.

4/14/2012 7:35 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Hay'adda daryeelka caruurta dunida ee UNICEF ayaa maanta ka billowday sideed degmo oo magaalada Muqdisho ka tirsan wajigii hore talaal lagula dagaalamayo lixda cudur ee dila caruurta iyo cudurka teetanada oo laga tallaabayo haweenka uurka leh.

4/14/2012 7:25 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyihii hore ee degmadaas, Yuusuf Cali Xasan (Yuusuf Indhoole) iyo guddoomiyaha cusub, C/llaahi Xasan Fanax, waxaana munaasabaddaas ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

4/14/2012 7:14 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Kulan ay Muqdisho ku yeesheen guddiga gurmadka deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose oo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, xildhibaano, odoyaasha dhaqanka, culmmada, aqoonyahanno, haween iyo dhallinyaro deegaanka kasoo jeeda ayaa waxaa looga hadlay sidii gurmad deg-deg ah loogu fidin lahaa dadka ku nool deegaankaas oo ay soo wajaheen daruufo iyo dhibaatooyin kale.

4/14/2012 6:54 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — In ka badan 150-haween ah oo ka socday qaybaha bulshada ayaa saakay aqoon is-weydaarsi ayaa ka dhacay hoteelka Saxafi ee Muqdisho, iyadoo munaasabadda furitaanka dooddan ay kasoo qeyb-galeen madax ka kala socotay ururrada haweenka, qurba-joogta iyo marti-sharaf lagu casuumay.

4/14/2012 3:57 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud oo lagu magacaabi jiray, C/qaadir Diiriye Maxamuud ayaa maydkisa laga helay Khamiistii lasoo dhaafay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

4/14/2012 2:22 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah oo dowladda KMG ah uga qaybgalaya wadahadallada lala furayo Somaliland, waxaana guddigan uu madax uga dhigay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Maxamuud Xasan.

4/14/2012 2:21 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Khamiistii lasoo dhaafay ay xirtay Cabdullaahi Cabdulmaajid oo ay sheegtay inuu ahaa ruux tababar ku siin jiray gudaha Kenya xubno ka tirsan Al-shabaab.

4/14/2012 2:16 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof siyaabo kala duwan ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo mid ka mid ah labadan qof la sheegay inuu ka tirsanaa dowladda KMG ah.

4/14/2012 2:16 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Mudo dhowr sano laga joogo kaddib ayay hay’adda ICRC gargaar raashin ah gaarsiiyay dad ku dhibaateysan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaasoo inta muddo ah ka cabanayay nolal xumo lasoo dirstay.