.jpg)
Sabti, April 14, 2012 (HOL)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng:Maxamed Xaashi Cilmi,ayaa xalay muxaadiro uu ku wacyigelinayo dhalinyaradda jaamacadaha dhigata ugu jeediyey boqolaal dhalinyaro oo iskugu yimid hotel Maansoor ee magaaaladda Hargeysa.
Munaasibadan oo ay soo agaasimeen ururka UNUGA wadaniyadda Somaliland, ayaa ay ka codsadeen wasiirkii hore maaliyadda inuu uga waramay mudadii uu xilka hayey horumarkii uu gaadhay dhinaca maaliyada iyo cashuur soo ururinta, iyago markii dambana su’aalo ku qotoma waxa uu kula dardaarmay dhalinyaradda halkaasi ka waydiiyey.
Wasiirkii hore maaliyadda Somaliland Eng; Maxamed Xaashi ayaa ka waramay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland soo martay, iyo wakhtigii gobonimo doonka ee lixdankii sida ay u shaqaynayeen bulshadii ku dhaqnayd Somaliland iyo sida ay uga fogeyd qabyaaladda, isagoo tilmaamay in dawlada Ingiriiska ay madax banaanidda ka qaateen uu ku yimid isku duubnimada iyo qaranimadda shacabkii wakhtigaasi noolaa oo uu sheegay in aanay qabyaaladdi ka jirin, waxaanu sheegay in wakhtigan oo wax la bartay oo aqoonyahano la yahay dib loogu noqday qabyaaladdii.
.jpg)
“Qaran iyo Qabiil meel ma wada fadhiistaan, marka aad eegto kalmada Qaran wuxuu isu keenaa dadka oo wuu soo ururiyaa, qabiilkuna waa wax kala kaxeenaya oo reer reer u kala shiraya iyo tafaaruq ayey tahay, waxaan tusaale usoo qaadanaya gumaysigii dalka xukumayey, xisbiyo ayaa jira, waxa ay isticmaali jireen arin qaran oo isku keena, ingiriiska sidii bay ku saareen, marka aad eegto maanta, ingiriisku wuu ka xoog badnaa dawladihii aanu soo marnay, hadana wuu heyn kari waayey ummad isku duuban”ayuu yidhi wasiirkii hore maaliyadda oo ka hadlayey qabiilka iyo Qaranimadu inay kala duwan tahay.
Maxamed Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay in wakhtigii ingiriiska Hargeysa laga doortay nin aan reer Hargeysa ahayn markiii dambana la doortay nin ka mid ah beelaha la haybsooco, taasina ay cadaynayso in wakhtigaasi aan qabyaalad wax lagu dooran jirin ee qofka waxa uu yaqaan lagu xulan jiray.
“ israaci Soomaaliya Qiimo weyn ayey inagu taagnaa, waxa aanu ku galnay isku darkii in caasimaddu noqoto Muqdisho, madaxweynuhu noqdo Soomaliya, Ra’isal wasaaruhu noqdo, wasiirka Arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, Maaliyadda, labadda taliye ciidan uu noqdo soomaaliya, intaas bay isku wada raacsadeen ayaaanu la galnay sida soomaalinimada u jecleen ayey daliil u ahayd”ayuu raaciyey.
.jpg)
Wasiirkii hore maaliyaddu waxa uu tilmaamay dhibaatadda ay leedahay qabyaaladu waxaanu sheegay in qabyaaladdu tahay eex iyo cadaalad daro, waxaanu dhalinyarada kula dardaarmay inay ka fogaadaan qabyaaladda.
Waxa kale oo uu soo jeediyey in beelaha la haybsooco wax la baro si ummaddu isku dhexgasho, waxa kale oo dhalinyaradu waydiisay in jaamacadda Hargeysa madax ka noqdo si uu horumar la taaban karo uga hirgaliyo, waxaase uu sheegay in uu imika soo cimraysanayo, marka uu soo noqda ay guddida caafimaadka ee cisbitaalka Hargeysa codsadeen inuu la shaqeeyo, waxaanu ardaydii jaamacadaha ku booriyey in wakhtiyadda uu firaaqada yahay xafiisyadooda ugu iman doono sidii uu waayo aragnimaddiisa ugu gudbiyo.
Waa markii ugu horaysay oo dhalinyaro intaas leeg nin siyaasi ahi muxaadiro ku saabsan waayo aragnimadiisa u jeediyo, iyadoo ay iskugu jireen kuwa dhigta jaamacadaha iyo dhalinyaradaha Hay’adaha madaxa banaan iyo kuwa caalamiga ahba ka shaqeeya.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Barkhad-Ladiif M. Cumar
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland