.jpg)
Sabti, April 14, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland,Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta ka qaybgalay shirweynihi 3aad ee golaha dhexe ee xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo ka qabsoomay hotel Maansoor ee magaaaladda Hargeysa.
Shirweynahan golaha dhexe ee KULMIYE oo socon doonna laba cisho, ayaa mudadaasi uu shirku socdo lagaga doodi doono mudadii ay taladda la wareegeen wixii u qabsoomay iyo waxa qabyadda ka ah, sidoo kale waxa lagu dooran doonnaa golaha dhexe oo cusub iyo guddida fulinta ee xisbigu yeelan doono.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa khudbad kooban ka jeediyey fadhiga, waxaanu ka waramay mudadii uu xilka hayey wixii u qabsoomay, isagoo tusaaleyaal usoo qaatay miisaaniyadda oo uu tilmaamay inuu kor u qaaday, waxbarashadda bilaasha ah, Telefishanka Qaranka oo baahinta la balaadhiyey iyo Idaacad cusub oo dalka la keenayo dhowaan.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu ka hadlay shantii wasiir ee uu u magacaabay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan magacaabay Shan (5) Wasiir oo London u tegaya go-gol xaadhka iyo diyaarinta qaabka wada hadalka kuwaas oo hordhac u ah sidii aynu uga midhodhalin lahayn wada-hadalkii ay dunidu inoogu baaqday. Waxaa ii qorshaysan in aan soo saaro gudi heer qaran ah oo diyaarisa istaraatiijiyada wada hadalka iyo qorshe lagu midaysanyahay marka ay ku haboonaato, waxaynu ku guulaysankaraa marxalad kastana kaga gudbi karaa midnimo iyo isku-duubni”
.jpg)
“waxaanu dardar gelinay kobcintii dhaqaalaha iyadoo sanadkii 2010 ee aan xilka la wareegay miisaaniyada qaranku ahayd $44,000,000 US Dollar, ayaanu sanadkii 2011 gaadhsiinay $86,000,000 US Dollar, iyadoo aanu sanankana odorosnay inay gaadho miisaaniyadu $110,000,000 US Dollar”ayuu yidhi Madaxweyne Siillaanyo.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo ka waramay maraxalkii uu xisbigu soo maray iyo mustaqbalka waxa laga sugayo, Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in doorashadii bishii April sannadkii 2003dii uu ka helay Codadkii la dhiibtay 42%, isla markaana uu kaalin sare ka galay doorashadii Golaha Wakiilada ee 29, Sep 2005-tii, waxaa kale oo Gudoomiyuhu xusay in doorashadii u dambeysay ee Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 26kii bishii Juun 2010kii uu Xisbiga Kulmiye ku guulaystay boqolkiiba Konton.
Waxa kale oo uu ka hadlay gogoshii nabadda ee madaxweynuhu u fidiyey gobolka Sool iyo Buuhoodle oo uu sheegay inuu ayidsan yahay in gogoshaa laga soo qaybgalo, si wanaagsana loo xaliyo khilaafaadka jira, isago tilmaamay in wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is af garasho.
Waxa isagun halkaasi ka hadlay guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil (Jaamac Shabeel) oo ka warbixiyey wixii u qabsoomay mudadii uu xilka guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga hayey.
Shirweynahan oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan kun qof oo iskugu jira ergooyinkii gobolda ka kala yimid, qurbojoog, salaadiin iyo marti sharaf aad u badan, ayaa maalinta bari la soo gebogabayn doonnaa.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland