Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyihii hore ee degmadaas, Yuusuf Cali Xasan (Yuusuf Indhoole) iyo guddoomiyaha cusub, C/llaahi Xasan Fanax, waxaana munaasabaddaas ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Xil wareejintan ayaa waxay timid kaddib dagaal degmadaas ku dhexmaray ciidammo taabacsan guddoomiyaha xilka wareejiyay iyo duqa Muqdisho, waxaana dagaalkaas ku dhintay laba qof iyadoo ay ku dhaawacmeen lix qof oo isugu jiray shacab iyo askar.
"Waxaan ka mahadcelinayaa howshii adkeyd ee guddoomiyihii hore uu ka qabtay degmada C/casiis xilligii ay Al-shabaab ku sugnaayeen, waxaana soo dhaweynayaa guddoomiyaha cusub ee maanta xilka lagu wareejiyay," ayuu mudane Tarsan ka sheegay munaasabadda.
Duqa Muqdisho wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay tahay mid lagu doonayo in isbedel lagu sameeyo degmada, balse ma uusan sheegin in tani ay tahay isbedel uu ku sameynayo guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka iyo in kale.
Guddoomiyihii hore ee xilka wareejiyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu muddo dheer oo uu xilka guddoomiyenimo ee degmada hayay uu maanta wareejiyo, isagoo kusoo dhaweeyay guddoomiyaha cusub.
Sidoo kale, guddoomiyaha cusub ee xilka lagu wareejiyay ayaa sheegay inuu ku shaqeyn doono rabitaanka shacabka, wuxuuna ka dalbaday mas'uulkii hore inuu kala shaqeeyo horumarinta degmada.
Degmada C/casiis ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii ay labada sano ka badan ka talinayeen xoogaggii Al-shabaab, kuwaasoo ay ugu dambeyn ka baxeen bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo degmadaas ay ka dhaceen dagaallo culus.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya