Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof siyaabo kala duwan ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo mid ka mid ah labadan qof la sheegay inuu ka tirsanaa dowladda KMG ah.
Labada qof ee la dilay oo midkood uu ahaa wiil dhalilnyaro ah ayaa lagu dilay suuqa xaafadda Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley, iyadoo dadku ay sheegeen in xalay la keenay halkaas dabadeedna lagu toogtay.
"Wiil dhallinyaro ah ayaa xalay halkaan (Suuqa Xamarjadiid) lagu dilay, waa wiil da' ahaan 23-jir ah, wuxuuna watay funaanad cad iyo surweel jeemis ah, lamana oga cidda dishay iyo cidda uu ka tirsanaa," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.
Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in wiilka jirkiisa ay ku taallo rasaas badan, balse goobjooge kale ayaa sheegay inay toogteen rag ku hubeysan bastoolado, kuwaas oo ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.
Sidoo kale, mid ka mid ah ciidamada dowladda KMG ah ayaa xalay lagu dilay suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho Suuc Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dilay.
Kooxaha dilkan geystay ayaa la sheegay inay wateen bastoolado goobtana ay ka baxsadeen, waxaana dilalkan ay imaanayaan xilli madaxda DKMG ah ay sheegeen inay xoogga saarayaan adkeynayaan ammaanka caasimadda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya