Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2012
Hay’adda Laanqeynta Cas ee ICRC oo raashin gargaar ah ka qaybisay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Mudo dhowr sano laga joogo kaddib ayay hay’adda ICRC gargaar raashin ah gaarsiiyay dad ku dhibaateysan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaasoo inta muddo ah ka cabanayay nolal xumo lasoo dirstay.

Cunadan ay qeybisay hay’adda oo ah marka dhinaca laga eego mid tayo leh ayaa isugu jirtay Bariis, Saliid, iyo waliba Digir sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda ICRC.

Waxaa ka faa’ideystay gargaarka ay bixisay hay’adda boqolaal qoys oo ku dhaqan deeganno kala gadisan oo intooda badan hoos taga degmada Beledweyne, waxaana ka mid ah goobaha raashin-ka laga qeybiyay Ceel-gaal, Kala-beyr, Jawiil, Ilka-cado, Qooqane Hiiraan, iyo waliba deegaanno kale oo ay ku noolaayeen qoysas u baahnaa gargaar noocan oo kale ah.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa soo kormeeray deegaannada laga qaabiyay gargaarka, isaga oo u kuur-galyay sida ay u socdaan howlaha dadka lagu gaarsiinayo gargaarka, waxaana uu kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka goobihii uu booqday.

Deeqday ay maanta ka qeybisay gobollka hay’adda ICRC ayaa ku soo beegmeysa xili dhawaan guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan uu ugu baaqay hay’adda samafalka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gargaaraan dadka ku dhibaateysan gobollka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa waxaa gacan ku heynteeda la wareegay dabayaaqdii sanadkii hore ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo gacan militari ka helaya kuwa Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya





Post your comments

4/14/2012 8:46 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta xukunno dil iyo xabsi isugu jira ku ridday toddoba qof oo la sheegay inay ka tirsanaayeen xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

4/14/2012 8:46 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Jiiro Mad-Sheekh oo ku dhow degmada Bardaale ee gobolka ee gobolka Bay.

4/14/2012 8:39 AM EST
Sabti, April 14, 2012 (HOL)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng:Maxamed Xaashi Cilmi,ayaa xalay muxaadiro uu ku wacyigelinayo dhalinyaradda jaamacadaha dhigata ugu jeediyey boqolaal dhalinyaro oo iskugu yimid hotel Maansoor ee magaaaladda Hargeysa.

4/14/2012 8:38 AM EST
Sabti, April 14, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland,Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta ka qaybgalay shirweynihi 3aad ee golaha dhexe ee xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo ka qabsoomay hotel Maansoor ee magaaaladda Hargeysa.

4/14/2012 8:24 AM EST
Sabti, April 14, 2012(HOL): U Qeybsanaha Arrimaha Milleteriga ee Soomaaliya G/lle Sare Shiikh Aweys Macoow Maxaad oo fadhigiisu yahay Roma ee dalka Talyaaniga ayaa si rasmi maanta hawshiisi u billaabay...

4/14/2012 8:19 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa dowladda KMG ah iyo AMISOM ku eedeeyay mas'uuliyadda weerarrada argagaxiso ee ka dhacaya Muqdisho.

4/14/2012 7:35 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Hay'adda daryeelka caruurta dunida ee UNICEF ayaa maanta ka billowday sideed degmo oo magaalada Muqdisho ka tirsan wajigii hore talaal lagula dagaalamayo lixda cudur ee dila caruurta iyo cudurka teetanada oo laga tallaabayo haweenka uurka leh.

4/14/2012 7:25 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyihii hore ee degmadaas, Yuusuf Cali Xasan (Yuusuf Indhoole) iyo guddoomiyaha cusub, C/llaahi Xasan Fanax, waxaana munaasabaddaas ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

4/14/2012 7:14 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Kulan ay Muqdisho ku yeesheen guddiga gurmadka deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose oo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, xildhibaano, odoyaasha dhaqanka, culmmada, aqoonyahanno, haween iyo dhallinyaro deegaanka kasoo jeeda ayaa waxaa looga hadlay sidii gurmad deg-deg ah loogu fidin lahaa dadka ku nool deegaankaas oo ay soo wajaheen daruufo iyo dhibaatooyin kale.

4/14/2012 6:54 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — In ka badan 150-haween ah oo ka socday qaybaha bulshada ayaa saakay aqoon is-weydaarsi ayaa ka dhacay hoteelka Saxafi ee Muqdisho, iyadoo munaasabadda furitaanka dooddan ay kasoo qeyb-galeen madax ka kala socotay ururrada haweenka, qurba-joogta iyo marti-sharaf lagu casuumay.

4/14/2012 3:57 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud oo lagu magacaabi jiray, C/qaadir Diiriye Maxamuud ayaa maydkisa laga helay Khamiistii lasoo dhaafay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

4/14/2012 2:22 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah oo dowladda KMG ah uga qaybgalaya wadahadallada lala furayo Somaliland, waxaana guddigan uu madax uga dhigay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Maxamuud Xasan.

4/14/2012 2:21 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Khamiistii lasoo dhaafay ay xirtay Cabdullaahi Cabdulmaajid oo ay sheegtay inuu ahaa ruux tababar ku siin jiray gudaha Kenya xubno ka tirsan Al-shabaab.

4/14/2012 2:16 AM EST
Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof siyaabo kala duwan ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo mid ka mid ah labadan qof la sheegay inuu ka tirsanaa dowladda KMG ah.