Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxa dacwada ee Al-shabaab, Sheekh
Fu'aad Maxamed Shangole ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u
adeegaya dalalka reer galbeedka si loo baabi'iyo ku dhaqanka diinta
Islaamka ee ka hirgalay Soomaaliya.
Sheekh Fu'aad ayaa hadalkan ka sheegay masjid ku yaalla degmada Diinsoor
ee gobolka Bay oo uu shalay salaaddii Jimcaha kaddib kula hadlayay
boqolaal qof oo ku tukaday, isagoo sheegay in qorshaha dagaal ee
Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan diin.
"Ciidamada AMSIOM ee ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti
iyo Sierra Leone waa kuwo u adeegaya reer galbeedka, si diinta Islaamka
loo buburiyo," ayuu yiri Sheekh Fu'aad Shongole oo sidoo kale sheegay in
ciidamada Itoobiya ay iyaguna dalka u joogaan dagaalka lagula jiro
Islaamka.
"Xogaha haynno waxay sheegayaan in ciidammo ka socda waddamada
Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ay ku sugan yihiin Soomaaliya
kuwaasoo ah jaajuusiin col la ah diinta islaamka, mana tagayaan illaa
ujeeddooyinkooda ay hirgeliyaan," ayuu Sheekh Fu'aad ku sheegay
khudbadiisa.
Dhanka kale, mas'uulkan Al-shabaab ka tirsan wuxuu sheegay in reer
galbeedka oo uu horkacayo Mareykanka ay kusoo duuleen Soomaaliya
sannadkii 1993-kii, waana laga adkaaday markii laga hortagay, marka
ciidamada hadda ku sugan Soomaaliya waa laga adkaan karaa.
Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkan waxay ka baxayeen dhul
ballaaran oo ay sannado ka talinayeen, kaddib markii jihooyin badan ay
kaga furmeen dagaallo, iyadoo mas'uuliyiintooda ay tan iyo xilligaas ku
guubaabinayeen shacabka inay qayb ka qaataan dagaallada.
Sheekh Fu'aad Shangole ayaa wuxuu ka mid yahay saraakiil Al-shabaab ka
tirsan oo uu Mareykanku dul-dhigay malaayiin dollar oo madaxfurasho ah,
iyadoo hadalkan uu ka jeediyay degmada Diinsoor uu noqonayo kii labaad
oo uu jeediyo tan iyo markii madax-furashada lacageed la dul-dhigay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Sheekh Fu'aad Shangole oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka Yurub iyo Mareykanka
More News
- Xaflad lagu soo dhaweynayay doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo murashaxnimada Shiikh Shariif oo Sweden lagu qabtay
- Soomaaliya oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay oo dalka ka dhacda mudo 43-sanood ah kaddib
- Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay inay Wadahadallo nabadeed la yeelatay Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF
- Maamulka Puntland oo ka digtay in la Musuqmaasuqo Doorashada Madaxweyenimo ee Soomaaliya
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay Maamul Goboleed ay Ahlusunna Wal- jameeca sheetay inay dhisayso
- Baaritaanno lagu qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo maanta mar kale laga sameeyay Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho
- Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika oo Maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Warsheekh
- Guddoomiyihii Majmaca Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
- Iska-horimaad Deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab
- Booliiska Kenya oo sheegay inay Waxyaabaha Qarxa iyo Qalabkii lagu qarxinayay ka heleen Guri ku yaalla Magaalada Nairobi
- Murashaxiin kale oo Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka horjeedin doona Barnaamijyadooda Siyaasadeed