Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Murashaxiinta Araajidooda gudbiyay oo tiradoodu marayso 31 xubnood oo aysan ku jirin Madaxda Dowladda Soomaaliya
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiinta madaxweyne ee gudbiyay araajidooda ayaa waxay tiradoodu maraysaa 31 xubnood, iyadoo aysan ku jirin xubnahaas madaxda dowladda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaanayo.

Guddiga doorashooyinka ayaa waxay maalintii labaad ku howlan yihiin qabashada araajida murashaxiinta ayaa dhammaantood shubay lacagtii ay doorashada ku geli lahaayeen oo midkiiba ay tahay 10,000 oo dollarka Mareykanka ah.

Xubno ka tisran guddiga ayaa sheegay in howsha qabashada doorashada ay illaa berri socon doonto, balse waxay ka gaabsadeen inay sheegaan magacyada 31-ka xubnood ee ay araajida ka qabteen.

Wararka dibadda laga helayo ayaa waxay sheegayaan in xubnaha gudbiyay araajida ay ka mid yihiin, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale, waxaana magaalada Muqdisho ka socda ololayaal doorasho oo xoog leh.

Murashaxiin tiradoodu gaarayso 13 xubnood ayaa waxay shalay uga tanaasuleen in doorashada uu ka qaybgalo hal murashax oo ah Xaaji Maxamed Yaasiin, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo xubno murashaxiin ay tallaabadan oo kale qaataan.

Doorashada madaxnimo ee dalka ayaa waxay dhacaysaa 10-ka bishan, uu Muqdisho uu ka muuqdo mashquul fara badan oo salka ku haya doorashada, iyadoo lagu wado in madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu berri gudbiyo arjigiisa murashaxnimo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/4/2012 10:22 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay shaqooyinkii ay hayeen Cisbitaalka ay joojiyeen, isla markaana si weyn uga cawday mushahar loo balanqaaday oo laga musuqmaasuqay.

9/4/2012 10:21 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo dib loogu furayay iskoolka indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta waxa lagu qabtay xarunta iskoolkaas oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho.

9/4/2012 9:02 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xaaladda gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ahayd mid aad u kacsan kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

9/4/2012 8:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay geeridii dhowaanta ku Timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zanawi, waxaanay dadweynaha reer Somaliland uga mahadceliyeen sida ay uga xumaadeen geeridii ku timid Ra’isal wasaarahooddii hore ee Meles Zanawi.

9/4/2012 6:29 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xooggan geystay oo xalay ka kacay dhul howd ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

9/4/2012 4:31 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo haatan u ah saldhig weyn kaddib markii ay isaga baxeen degmada Marko toddobaadkii hore.

9/4/2012 4:20 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo saraakiisha hoggaaminayaba aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda socota, ayna la shaqeyn doonaan xukuumaddii timaadda.

9/4/2012 4:05 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka badan toban ayaa waxay u tanaasuleen murashax ay isbahaysi qura kuwada jiraan, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, waxaana murashaxiintan ay sheegeen inay taageerayaan murashaxa ay u tanaasuleen.

9/4/2012 3:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Wararka laga hellayo deegaannka Moqokori ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu dab xoog leh ka kacay dhul keymo oo ku dhirirsan deegaanno hoos taga Moqokori, kaasoo inta la og-yahay geystay khasaare naf iyo maalba leh.