Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Sept 29, 2012
JENERAAL DHEGO-BADAN: "Waxaan amar ku bixinay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya aysna gelin Kismaayo sababo jira awgood"
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya siiyeen amar ah inaysan gelin gudaha magaalada Kismaayo, sababo jira awgood.
Jen. Dhego-badan wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku sugan yihiin daafaha magaalada Kismaayo, ayna sugayaan ciidammo kale, isagoo xusay in sababaha ay u diideen in xilligan la galo ay tahay iyadoo ay dhici karto in miinooyin ay uga tageen Al-shabaan.
"Waxaan amar ku bixinnay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya aysna gelin Kismaayo sababo jira awgood," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo sheegay in sababta ay u diideen in xilligan magaalada la galo ay ka mid tahay si loo badbaadiyo shacabka ku nool magaaladaas iyo hantidooda.
Abaanduulaha ayaa carrabka ku dhuftay inay ka go'an tahay inay Al-shabaab oo dhan ka saaraan meelaha ay dalka uga sugan yihiin, isagoo howgalladan Jubbada hoose ka socda ku sheegay kuwo qayb ka ah howgallada dalka oo dhan laga wado.
Wasiirka gaashaandhigga ee waqtigiisu dhammaadka yahay, Xuseen Carab Ciise oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la dajiyay qaab ama hannaan ay ku galayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya magaalada Kismaayo.
Sidoo kale, Sheekh Axmed Gaboobe oo ah wasiirka wasaaradda carsoorka, arrimaha diinta iyo cadaaladda ee xukuumaddu uu waqtigeedu dhammaadka yahay ayaa ugu baaqay in shacabka ku nool Kismaayo inay is-dajiyaan ayna ogaadaan inaan wax dhib ah loo geysan doonin.
Mas'uuliyiinta dowladda u hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM lagu wado inay galaan gudaha Kismaayo 24-ka saac ee soo socda, inkastoo aysan xilli cayiman sheegin.
Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay magaalada Kismaayo ka saaray maamulkeedii kaddib shan sano oo ay gacanta ku haysay, balse ay ciidamadeedu la dagaalami doonaan ciidamada ku wajahan Kismaayo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Qarammada Midoobay oo soo saartay go’aanno ku aaddan Xuquuqul Insaanka Soomaaliya
9/29/2012 5:48 PM EST
Sabti, September 29, 2012(HOL): Fadhigii 21aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Kulankan ayaa si weyn waxaa looga hadlay xaaladda Xuquuqul Insaanka ee dalka Soomaaliya iyo xaaladda kala guurka ah ee uu dalka Soomaaliya soo maray.
Waa sidee Xaaladda Dadkii ka Barakacay Fatahaadii ku dhuftay Baladweyne?
9/29/2012 9:58 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne waxaa gaaray dadkii ka barakacay fatahaadii maalintii shalay ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwasoo waqtigan ay soo food-saareen xaalado adag dhinaca nolasha ah.
Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya oo duqeeyay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo Khasaare ka dhashay
9/29/2012 9:18 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha dalka Kenya u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Maanta laba Ruux siyaabo kala duwan ugu toogtay xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo
9/29/2012 8:01 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Kooxo baastoolado ku hubeysan ayaa laba qof oo shacab ah siyaabo kala duwan ugu toogtay duhurnimadii maanta xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, iyadoo dilalkan ay ka dhigayaan dadka maanta oo keliya lagu dilay Kismaayo saddex qof oo shacab ah.
Golaha Wakiiladda Somaliland oo Kal-fadhigoodii Maanta xilalkoodii uga qaaday Afar Xildhibaan oo Golaha ka tirsanaa
9/29/2012 7:52 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa kal-fadhigoodii maanta afar xildhibaan xilalka uga xayuubin, kuwaasoo 20 kal-fadhi oo isku xiga aan kasoo xaadirin fadhiyada Golahaasi.
Bam lagu Weeraray Suuq ku yaalla Magaalada Baydhabo oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
9/29/2012 7:50 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kaddib markii bam-gacmeed lagu weeraray maanta suuqa qoryaha lagu qoro oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Bannaanbaxyo lagu Taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug (SAWIRRO)
9/29/2012 6:29 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) - Dadweyne taageersan madaxweynaha dhawaan loo doortay Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dibad baxyo ka sameeyay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Xarkada Al-shabaab oo sheegtay in Maamulkeedii ay kala baxday Kismaayo, Laakiin ciidamadeedu ay dagaalami doonaan
9/29/2012 3:45 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday maanta in xalay la xiray xafiisyadii maamulkoodu ku lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, balse ay ciidamadeedu diyaar u yihiin inay la dagaalamaan cid walba oo kasoo horjeedda ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Qof shacab ah oo lagu dilay Kismaayo iyo bililiqo xooggan oo ka socota Xarumihii ay Al-shabaab ku lahaayeen degmadaas
9/29/2012 3:22 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoona magaalada ay ka socoto bililiqo iyo boob loo geysanayo xarumihii maamulka Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Ururrada Bulshada Rayidka ah ka dalbaday inay kala shaqeeyaan dib u dhiska dalka iyo Ammaanka
9/29/2012 3:18 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii shalay kulan looga hadlayay ammaanka iyo dib u dhiska dalka kula yeeshay xarunta madaxtooyada xubno ka socday ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed oo uu isagu ka mid ahaan jiray.
Ciidamadda Somaliland oo Xabsiga u taxaabay Wariye ka tirsanaa Wargeyska Saxafi ee Magaalada Hargeysa kasoo baxa
9/29/2012 3:17 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Saraakiil ka socda sirdoonka magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa habeen hore saqdii dhexe xabsiga u taxaabay wariye C/fataax Maxamuud Caydiid oo ka tirsan wargeyska Saxafi oo kasoo baxa magaalada Hargeysa.
Somali News
Somalia's war on journalism
-
Al Jazeera
9/29/2012 11:36 AM EST
Exploring the media landscape in a country where going to work has become a life-and-death decision for reporters.
Morsy offers to train Somali army
-
Daily News Egypt
9/29/2012 11:33 AM EST
President Mohamed Morsy said Egypt could train the Somali army and coast guards in a speech at a United Nations summit on Somalia, Wednesday.
Somali children leave feeding centers for fear of fighting in Kismayo: MSF
-
Xinhua
9/29/2012 11:32 AM EST
NAIROBI, Sept. 29 (Xinhua) -- The international humanitarian medical charity, Medicins Sans Frontieres (MSF), said on Saturday Somali children have left its feeding centers in Kismayo as parents fear the impact of fighting over the Indian Ocean port city.
30 die of cholera on Kenya-Somalia border
-
The Star
9/29/2012 11:31 AM EST
Thirty five people have been confirmed dead following a cholera outbreak on the Kenyan-Somali border. Among the dead are 10 Kenyans who had moved with their animals across Somalia in search of water and pasture.
Factbox on somalia
-
The Star
9/29/2012 11:30 AM EST
Kenyan troops attacked the Somali port city of Kismayu from three sides on Friday, aiming to drive the al Shabaab Islamist militant group from its last bastion.
SA-linked military firm loses anti-piracy contract
-
IOL
9/29/2012 11:29 AM EST
Somalia - Controversial SA-linked private military operator Sterling Corporate Services, aka Saracen International, has lost its anti-piracy contract in the semi-autonomous Somali region of Puntland.
Al-Shabab Withdraws from Last Stronghold in Somalia
-
VOA
9/29/2012 11:28 AM EST
Somalia’s militant group al-Shabab says it has withdrawn from Kismayo, its last stronghold in the country, following a military strike by Kenyan forces.
Empowerment of young people key to Somalia’s well-being, says UN report
-
UN
9/29/2012 12:44 AM EST
Somalia’s well-being rests significantly on its large youth population, according to a United Nations report released today, which stressed the importance of empowering this segment of the country to spur economic, political and social growth in the country.
Africa Troops Launch Assault on Somali Militant Bastion
-
WSJ
9/29/2012 12:37 AM EST
Kenyan forces launched an amphibious assault on the Somali port city of Kismayo on Friday, in a long-delayed offensive aimed at depriving al Qaeda-linked militants of their last stronghold in East Africa.
Parents of Somali-Canadian ask son’s killer to surrender
-
Globe&Mail
9/29/2012 12:28 AM EST
In a dignified, emotion-laden appeal, the parents of a young Somali-Canadian slain execution-style 11 days ago told the killer or killers they have been forgiven and should now turn themselves in.