Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Sept 26, 2012
Danjire Augustine Mahiga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay ka baxayso xaaladihii ay muddada dheer ku soo jirtay
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in xiligii hore iyo hadda ay rajadiisa ku aaddan Soomaaliya aad u kala duwan tahay, wuxuuna xusay in xilligii hore uu ka rajo wanaagsan yahay xilligan.
Danjire Mahiga, wuxuu xusay in doorashadii uu baarlamaanku doortay madaxweyne cusub ay astaan u tahay in dalka uu ka baxayo dhibaatooyinkii muddada dheer soo jiray, isagoo xusay inuu rajeynayo in toddobaadkan lasoo magacaabo ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad.
Sidoo kale, Mahiga ayaa go'aankii kasoo baxay Xisbul Islaam ee ahaa inay ka baxeen Al-shabaab uu astaan u yahay in Soomaaliya ay ka gudbayso xaaladihii khatarta ahaa, isagoo sheegay in tani ay tahay fursad aan horay u dhicin oo looga baahan yahay siyaasiyiinta Soomaalida inay dalka ku nabdeeyaan.
"Waxay ila tahay tani inay billow u tahay in xukuumadda cusub ay wajahayso inay sameyso nidaam siyaasadeed oo wax ku ool ah iyo dib u heshiisiin ay ka qaybgalaan xubnihii ka tirsanaan jiray Al-shabaab, waana furasddii ugu wanaagsanayd ee soo marta Soomaaliya 22-kii sano ee ugu dambeysay," ayuu yiri danjire Mahiga oo BBC-da la hadlay.
Ergaygu wuxuu ku baaqay in laga digtoonaado weerarro Al-shabaab qaaddo marka laga adkaado, isagoo sheegay in kooxaha noocan oo kale ah lagu yaqaan markii laga adkaado inay weerarro ka fuliyaan iyagoo isku ekeysiinaya shacab.
Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay dagaalka ku wajahan Kismaay, isagoo sheegay inuu dhameystiran yahay qorshaha la doonayo in lagu qabto Kismaayo, isagoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu baaqay inay yareeyaan khasaaraha shacabka kasoo gaari kara dagaallada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Munaasabad lagu sagootinayay Madaxweynihii hore ee Somalia lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub oo Muqdisho ka dhacday
9/26/2012 8:58 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Waxaa maanta xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdihos lagu qabtay xaflad lagu sagootinayay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, laguna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.
Siyaasiyiin, Aqoon-yahanno iyo Odoyaal kasoo Jeeda Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo Cambaareeyay Falkii lagu dilay dadka shacabka ah
9/26/2012 8:58 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Odoyaal kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii askari katirsan ciidamada Kenya uu dad rayid ah ugu geeystay nawaaxiga deegaanka Birta dheer ee gobolka Jubada Hoose.
Khubarro ku Takhasusay Xasuuqyadda Dunidda ka dhaca oo Baaritaanno ku sameeyay Xabaallo-Wadareedyo ay ku jiraan Shacab lagu laayay Hargeysa
9/26/2012 8:36 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay khuburo ku takhasusay sida loo baadho xasuuqyada caalamka ka dhaca iyo lafaha bani’aadamka, kuwaas oo dib u soo fiqi doono xabaalo wadareedyo ay dad badan oo dawladii hore ku laysay magaaladda Hargeysa ku jiraan, gaar ahaan goobta loo yaqaan badhka.
Kenya oo sheegtay inay burburisay kaydad hub oo Al-shabaab ay ku lahayd Kismaayo iyo Al-shabaab oo beenisay Arrintaas
9/26/2012 7:34 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha u hadlay milateriga dalka Kenya ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradahoodu ka geysteen garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ku burburiyeen kaydad hub oo ay Al-shabaab lahayd iyo saldhigyo ay isticmaali jireen Al-shabaab, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay beeniyeen warkaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Ciidammo Ammaanka suga lagu daadiyay Degmooyinka Gobolka Banaadir
9/26/2012 4:11 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda uu waqtigeedu dhammaadka yahay, C/samad Macallin Maxamuud ayaa shaaciyay inay degmooyinka gobolka Banaadir dhigeen ciidammo suga ammaanka Muqdisho, kaddib dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacayay magaalada toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Afhayeen si kulul uga hadlay go'aankii Mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam uu ku sheegay inay kaga baxeen Al-shabaab
9/26/2012 3:53 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda la hadlay ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam ku sheegay inay kaga baxeen midowgii ay horay ula galeen Al-shabaab.
Marakiib dagaal oo duqeeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
9/26/2012 3:29 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la aaminsan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaa saaka dhowr gantaal ku tuuray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, walow aan illaa imika la sheegin cid wax ku noqotay duqeyntaas.
Somali News
In Somalia, a war on journalists
-
McClatchy
9/26/2012 10:00 AM EST
It was a Thursday afternoon in Mogadishu, Somalia's capital, when I decided to head to the popular new restaurant known as The Village, opposite the National Theater. That decision almost ended my life.
Kenyan fighter jets bomb Somali city
-
Al Jazeera
9/26/2012 3:05 AM EST
Aircraft target airport in southern city of Kismayo, where Kenya says al-Shabab is operating its last major base.
Shaping Somalia's Political Landscape: Halima Ismail Ibrahim - Co-Chair Technical Selection Committee
-
Huffington Post
9/26/2012 3:00 AM EST
At the age of 15 Halima Ismail Ibrahim was already advocating for women's rights at her high school in Afgoye, 30 km from Mogadishu.
Lewiston Mayor's Somali Remarks Spark Criticism
-
MPBN
9/26/2012 2:57 AM EST
Lewiston Mayor Robert MacDonald is once again facing criticism for remarks he made about Somali refugees in Maine's second-largest city. In a recent interview with the British Broadcasting Corporation, Mayor MacDonald said immigrants are "costing us a lot of money" and they should "accept our culture and leave your culture at the door." Last year the mayor apologized for comments he made on election night when he said the wanted to make the city less attractive to deadbeats, many of whom don't speak English. As Susan Sharon reports, members of the Maine Global Institute are now requesting a meeting with the mayor.
Somali parliament convenes in Mogadishu
-
Sabahi
9/26/2012 2:55 AM EST
Somalia's new parliament met in Mogadishu on Monday (September 24th) for the first time since lawmakers elected President Hassan Sheikh Mohamud on September 10th.
K'naan offers glimpse into his childhood in first kids' book `When I Get Older'
-
CP
9/26/2012 2:54 AM EST
TORONTO - As a newcomer to Canada, K'naan was able to find a source of both solace and expression through music.
Judge sets sentencing date for North Jersey men in overseas terror case
-
North Jersey
9/26/2012 2:49 AM EST
A federal judge in Newark has set a sentencing date of Feb. 4. for two North Jersey men who pleaded guilty last year to charges of conspiring to commit murder overseas on behalf of an al-Qaida-affiliated group operating in Somalia.
Kenyan army airlifts water to Jana Abdalla after al-Shabaab poisons wells
-
Sabahi
9/26/2012 2:45 AM EST
The Kenya Defence Forces (KDF) airlifted water to allied troops in the Somali town of Jana Abdalla to alleviate a water shortage after al-Shabaab poisoned water sources, Kenya's The Star reported Monday (September 24th).
Somalis condemn killing of citizens by Kenyan troops
-
PressTV
9/26/2012 2:44 AM EST
Fighting for the control of Somalis coastal port town of Kismayo is raging as Kenyan forces from the African Union and Somali government forces plan on capturing the strategic town from the Al-Shabaab fighters.
How Social Good Summit Sparked the Largest Conversation on Earth
-
Mashable
9/26/2012 2:39 AM EST
A suicide bombing exploded outside of one of the only Internet cafes in Somalia's capital last Thursday. Three days later, the cafe's owner spoke on one of the Social Good Summit Mogadishu's Global Conversation panels.