Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
AMISOM oo sheegtay inay qabsatay deegaanka Miido ayna ku waday dagaalladii dhacay shan ka mid ah askarteeda
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamadooda deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose oo 25-km u jirta degmada Afmadow halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo xooggan labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana AMISOM ay sheegtay inay ku waayeen dagaalkaas shan ka mid ah askartooda.

Warsaxaafadeedyo ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegtay in dagaalkaas ay ku dileen 36 ka mid ah xoogagga Al-shabaab ee ay la dagaalameen, iyagoo beeniyay in degmada Afmadow ay qabsatay Al-shabaab.

AMISOM waxay sheegtay in dagaalkaas ay ku burburiyeen toddoba gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa sahayda qaaada oo ay lahayd Al-shabaab, sidoo kalena ay ku qabsadeen deegaanka Miido oo ay ku sheegeen inuu yahay deegaan muhiim ah oo u sahlaya qabsashada degmada Kismaayo.

"Shan askarta Kenya ka tirsan oo ka mid ah xoogagga AMISOM ayaan dagaalkaas ku waynay, lama oga xaaladda ay ku sugan yihiin, basle waxaa socda baaritaanno lagu raadinayo," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay AMISOM, waxaana sidoo kale lagu sheegay in saddex askari ay kaga dhaawacmeen, kuwaasoo hadda lagu daweynayo deegaanka Dhoobley.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa howgalkaas ku tilmaamay mid guul ah, isagoo sheegay in qabsashada Miido ay dadka deegaanka u horseedayso inay ku noolaadaan nabad ayna ka madaxbannaanaan doonaan argagaxii iyo amar-ku-taagleytii Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay kusoo bandhigtay degmada Kismaayo maydadka afar askari oo laba ka mid ah lagu sheegay inay u dhasheen dalka Kenya, balse ma sheegin AMISOM in ciidamada lagu soo bandhigay Kismaayo ay ka mid yihiin kuwii ay ku waayeen dagaalkii ka dhacay Miido.

"Afmadow waxaa gacan buuxda ku haysa AMISOM," ayuu yiri Jen. Gutti oo sheegay in warka kasoo baxay Al-shabaab ee ah inay qabsadeen uu yahay mid aanay waxba ka jirin, balse goobjoogayaal ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in gudaha degmadaas lagu arkay habeenkii Sabtida dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalladii ka dhacay deegaanka Miido ayaa dadka ku nool gobolka Jubbada hoose waxay ku tilmaameen kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca degmadaas tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar 2011.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay dagaalkaas kusoo rideen diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo ay lahayd dowladda Kenya, kana qaybqaadanayay dagaalka, basle ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Kenya.

Mas'uuliyiinta ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa xusay inay ku wajahan yihiin degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ah goob ay awood badan ku leedahay Al-shabaab, iyadoo laga darmeeyo degmadaas dagaallada ka socda hareeraha Afmadow.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/3/2012 3:03 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Hay’adda cilmi-barista iyo wada-tashiga CRD ayaa shalay qalab faneed noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qaar casri ah waxay guddoonsiisay kooxda fanaaaniinta Horseed ee ciidamada qalabka sida.

9/2/2012 10:33 PM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) - Ciyaaraha Xageyga ee sanadwalba lagu qabto dalkan Britain gaar ahaan magalada London ayaa maanta la soo gabagabeeyey, iyadoo ay ka qeybqaateen 16 kooxood oo kakala yimid london, Manchester, Birmigham & Leicster.

9/2/2012 2:52 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL):-Xaflad heer sare ah oo uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa lagu gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga ee 2012, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinacyada Olombikada, Maamulka gobolka banaadir iyo Xawaaladda Juba Express oo dhanka Maalgelinta qeyb weyn ka qaadatay.

9/2/2012 2:20 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta waxaa u furmay fadhi aan caadi ahayn, kaas oo ajendihiisa ugu weyni uu yahay sidii dib loogu eegi lahaa xeerka axsaabta siyaasadda oo ay todobaadyo kahor baarlamaanku cod aqlabiyad leh kumeel mariyeen.

9/2/2012 2:19 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobolka Nugaal, ayaa maanta xukuntay saraakiil ka tirsanaa Booliska oo lagu soo eedeeyey denbi ah in ay ka dhego adeygeen soo wareejinta hub tira badan oo ay hayaan.

9/2/2012 9:39 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dood adag ka yeesheen maanta qodobka dhigayay in murashaxu uu kalsooni ka haysto laabatan xildhibaan, iyadoo xildhibaanadu ay aad uga doodeen qodobkan.

9/2/2012 8:19 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in ururadii qiimeynta ku hadhay aanay buuxin shuruudihii laga rabay ururadda siyaasadda ee ka qaybgalaya tartanka doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa maanta oo Axad ah kaniisad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku aasan yihiin xubno uu ka mid yahay boqorkii hore ee Itoobiya, Hayle Salaase.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobolllka Hiiraan ayaa wada hadal kadib sheegay in ay ugu danbeytii isku afgarteen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo lacago canshuur ah oo laga qaadi jiray ganacsatada ku dhaqan magaalada Baladweyne.

9/2/2012 7:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Burcadbadeedda Soomaalida ayaa toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Siiriya oo ka mid ahaa shaqaale la socday markab ay laba sano afduub u haysteen, waxayna dhaawaceen mid kale oo shaqaalaha markabka ka mid ah.

9/2/2012 5:35 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) —Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa laalay in lagu daro ajandaha kalfadhiga 19aad ee golaha wakiiladda kootadda kuraasta ah ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay laga siin lahaa baarlamaanka.

9/2/2012 4:46 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Tabarkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka howgala dalka, waxaana tababarkan ka faa'iideystay 12 haween ah oo ka kala yimid gobollada dalka.

9/2/2012 4:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maraakiib dagaal ayaa xalay fiidkii duqeymo ka geeystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ku dhacay qayhbo ka tirsan Kismaayo, waxaana mas'uuliyadda duqaeyntan sheegtay ciidamada AMISOM.