Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
XASAN SHEEKH MAXAMUUD: "Qaraxyadii Argagaxisada ahaa nagama leexin doonaan Jidka Horumarka iyo Isbedelka"
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoteel uu Muqdisho ka deggenaa aysan ka hor-istaagi doonin inay ku sii socdaan jidka horumarka iyo isbedelka Soomaaliya.


Xasan Sheekh ayaa weerarradaas ku tilmaamay kuwo argagaxiso oo fuleynimo ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inaysan wax cabsi ah gelin doonin, isagoo sheegay in falkaas ay ka hortageen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

"Weerarradii argagaxiso nagama horjoogsan doonaan jidka horumarka iyo isbedelka," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, isagoo intaas ku daray. "Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho. Ciidamada ammaankuna uma ogolaan doonaan in falalka argagaxisadu ay guuleystaan."

Hadalkan uu madaxweynuhu jeediyay Khamiistii ayaa wuxuu kaga jawaabayay hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku sheegatay weerarradaas, isagoo xusay inaysan cabsi gelin doonin qaraxyadan iyo wax la mid ah, rajadoodana aysan hoos u dhigi doonin.

Qaraxyadan oo ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa fuliyay laba nin oo waxyaabaha qaraxa isku soo xiray, xilli ay hoteelka ku shirayeen madaxweynaha cusub iyo wafdi ka socda dalka Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Sam Ongeri.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkan uu hordhac u yahay dagaal ay la galayaan dowladda uu soo dhisi doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana uu ka dhacay weerarkan goob aad u ammaan badan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab qaraxyo noocan oo klale ka geysato Muqdisho, balse waxay dhowr jeer oo hore qaraxyo ka geysatay goobo kala duwan oo ay ku jirtay madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo lagu ugaarsanayay madaxda dowladda Soomaalida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/14/2012 4:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe gubtey kaam ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku yaal xaafadda Biyo kulule ee bariga Magaalada Boosaaso, dabka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana aan si dhab ah loo ogeyn waxa sababay ayaa hoy la'aan dhigey in ka badan 30 qoys.

9/14/2012 4:37 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay lagu xidhay laba weriye oo u kala shaqeynayay Telefishinadda Somalisat iyo Telefishanka Bulsho.

9/14/2012 4:29 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegeen inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah in Soomaaliya oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.

9/14/2012 4:18 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Bay iyo xafiiska hogaanka shacabka iyo hormarinta ee Bay laguna taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo.

9/14/2012 3:59 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

9/14/2012 3:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada labaad ee dalka Liibya ugu weyn ee Banghazi ayaa ka cabanaya xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheeagy in dhibaatooyin adag ay ku haystaan xabsiga ay ku jiraan.

9/14/2012 3:28 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.

9/14/2012 3:26 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.