Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Taliska Milateriga Soomalaiya oo sheegay inay ku wajahan yihiin Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ah taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya oo warbaahinta Muqdisho qaarkeed la hadlay ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin Jowhar, isagoo xusay in deegaannadii ay ay gaareen dhawaan ee gobolkaas ka tirsan ay hordhac u tahay sidii ay u gaari lahaayeen Jowhar.

"Inkastoo aanan doonayn inaan saxaafadda ka sheego waqtiga haddana waxaan ku wajahannahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, si aan uga saarno halkaas Al-shabaab," ayuu yiri Jen. Gacma-duulle.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay diyaar-garoobeen, ayna dhawaan dhaqaaqi doonaan, isagoo si aad ah uga gaabsaday inuu ka hadlo xilliga ay rasmi ahaan ku jiheysan yihiin xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa toddobadkii hore la wareegay degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe oo 75-km dhinaca bari kaga beegan Muqdisho, iyadoo bishii horena qabsaday degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose oo 90-km koonfur kaga beegan Muqdisho.

Horraantii sannadkan ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay ka gudbeen Muqdisho iyagoo la wareegay deegaanno ay ka mid yihiin degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo daris la ah xarunta Soomaaliya.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqyo cidian oo ay wadaan ciidamada AMISOM ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca waqooyi, iyadoo tan iyo shalay ay deegaannada waqooyi ka xiga Muqdisho ku qulqulayeen gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin beebayaal casri ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/14/2012 4:45 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoteel uu Muqdisho ka deggenaa aysan ka hor-istaagi doonin inay ku sii socdaan jidka horumarka iyo isbedelka Soomaaliya.

9/14/2012 4:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe gubtey kaam ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku yaal xaafadda Biyo kulule ee bariga Magaalada Boosaaso, dabka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana aan si dhab ah loo ogeyn waxa sababay ayaa hoy la'aan dhigey in ka badan 30 qoys.

9/14/2012 4:37 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay lagu xidhay laba weriye oo u kala shaqeynayay Telefishinadda Somalisat iyo Telefishanka Bulsho.

9/14/2012 4:29 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegeen inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah in Soomaaliya oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.

9/14/2012 4:18 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Bay iyo xafiiska hogaanka shacabka iyo hormarinta ee Bay laguna taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo.

9/14/2012 3:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada labaad ee dalka Liibya ugu weyn ee Banghazi ayaa ka cabanaya xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheeagy in dhibaatooyin adag ay ku haystaan xabsiga ay ku jiraan.

9/14/2012 3:28 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.

9/14/2012 3:26 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.