Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn ku yeelanayn isbedelka dhacay

Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu jeediyay kaddib markii uu shalay socod kusoo kala bixiyay xafiisyada madaxtooyada iyo xafiisyada wasaaradaha dowladda, isagoo ay weheliyeen madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

"Waxaan rabaa inaan halka ka caddeeyo in isbedelka dhinaca madaxda ah ee dhacay aysan wax saameyn ku yeelanayn shaqaalaha dowladda. sidii hore ayaad u shaqeynaysaan, qofkii la yimaada wax lagu bedelo ayaa la bedeli doonaa," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha dowladda u sheegay inasy markii hore u shaqeynayn Shariif, balse ay Qaranka u shaqeynayeen maantana ay sidii oo kale Qaranka ugu shaqeynayaan, isagoo meesha ka saaray in shaqaalaha dowladda la eryi karo.

"Haddii shaqaale meel laga bedelo meel kale ayaa loo bedelayaa, shaqaaalaha dowladda xuquuq ayay leeyihiin lamana eryi karo," ayuu yiri Xasan Sheekh oo ku boorriyay shaqaalaha dowladda inay howlahooda dardar-geliyaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kuwa madaxtooyada ay dhibaatooyin badan soo mareen, aysanna guryahooda aadin muddo sannado ah.

Shariif Sheekh ayaa lagu wadaa inuu wareejiyo xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya, waxaana loo adkaaday wareeggii ugu dambeeyay doorashadii madaxnimo ee dalka oo ay ku tartameen madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/14/2012 4:45 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoteel uu Muqdisho ka deggenaa aysan ka hor-istaagi doonin inay ku sii socdaan jidka horumarka iyo isbedelka Soomaaliya.

9/14/2012 4:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe gubtey kaam ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku yaal xaafadda Biyo kulule ee bariga Magaalada Boosaaso, dabka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana aan si dhab ah loo ogeyn waxa sababay ayaa hoy la'aan dhigey in ka badan 30 qoys.

9/14/2012 4:37 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay lagu xidhay laba weriye oo u kala shaqeynayay Telefishinadda Somalisat iyo Telefishanka Bulsho.

9/14/2012 4:29 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegeen inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah in Soomaaliya oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.

9/14/2012 4:18 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Bay iyo xafiiska hogaanka shacabka iyo hormarinta ee Bay laguna taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo.

9/14/2012 3:59 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

9/14/2012 3:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada labaad ee dalka Liibya ugu weyn ee Banghazi ayaa ka cabanaya xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheeagy in dhibaatooyin adag ay ku haystaan xabsiga ay ku jiraan.

9/14/2012 3:26 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.