Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo amar ku bixiyay inaan ololaha doorashada loo adeegsan Hantidda Dadweynaha
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.


“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0:  0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxday xafiiska madaxtooyadda..

Degreetadan waxay lagu socodsiiyey inay ka reebanaada arrimaha doorashooyinka iyo ololaha xisbiyada tartamayaa, Dhammaan Wasaaraddaha JSL,  Dhammaan Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Dawlada,     Dhammaan Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland,   Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Dhammaan Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka,   Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda,  Ururada aan Dawliga ahayn in cid gaar ah u ololeeyaan ama lagu taageero.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in markii uu arkay qodobadda dastuurka iyo xeerka doorashooyinka   Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001, Markuu Tixgeliyey   Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada.  Wuxuu soo Saaray Wareegtadan Maamul oo ka reebaysa; Ciidamada, Ururada aan Dawliga ahayn, Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka aanay wax lug ah ku yeelan doon arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu xusay inay ka reeban tahay     In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.

In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.  

Haseyeeshee, Maalmihii u dambeeyey ayaa xisbiga Taladda haya ee KULMIYE lagu eedeynayey in hawlaha xisbiga ee doorashooyinka ku galayeen gaadiidka dawladda, iyagoo masuuliyiinta goboladda iyo wasiirada xukuumadda ay badhitaarayaan xisbiga.

Dhinaca kale, Guddida Doorashooyinka ayaa ururadda iyo xisbiyada u qabtay xaflad ay ku saxeexayaan xeer hoosaadka anshaxa ee doorashooyinka lagu gali doono, kuwaas oo u hogaansanaan doona nidaamka ay guddidu u qorshaysay, isla markaana la samayn doono guddida anshaxa iyo ilaalinta nidaamka loo dajiyey ololaha iyo doorashadda golaha deegaanka ee bisha November ee sanadkan la filayo inay dhacaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

9/13/2012 9:13 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.

9/13/2012 8:38 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.

9/13/2012 8:09 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.

9/13/2012 7:51 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB iyo Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa sheegay inay qaadaceen doorashooyinka golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sheegay inaanay doorashadaasi ka qaybgali doonaanin.

9/13/2012 7:25 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

9/13/2012 6:50 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabtay odayaasha dhaqanka dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in is-hortaaga lagu sameeayo gar-gaarka bani'aadanimada iyo dhaca loo geysto.

9/13/2012 3:28 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.

9/13/2012 2:18 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweyniha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.