Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Doorashada Madaxweyaha cusub ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda

Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.

Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay si niyad sami ah ula shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka Al-shabaab oo uu ku sheegay koox kasoo horjeedda nabad ka dhalata Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay heshay dowlad buuxda... taasina waxay ka dhigan tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka gudbeen dhibaatadii 21-ka sano ay ku jireen," ayuu ku yiri Museveni warsaxaafadeed uu xafiiskiisa kasoo saaray.

Museveni wuxuu sidoo kale farriintiisa ku sheegay in dowladda Uganda ay siinayso tixgelin gaar ah mas’uuliyiintii dowladdii hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii laga guuleystay, Shariif Sheekh Axmed iyo saaxiibadiisii la saxiixay qorshihii Road-mapka ee Soomaaliya looga saaray xilligii KMG-nimada ahaa.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya uga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay kawaddo Soomaaliya, waxaana Uganda ay muddo dheer lugta kula jirtay siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda, Museveni ayaa inta badan isha ku hayay Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isagoo ku yimid Muqdisho booqasho sannadkii 1992-kii iyo sannadkii 2010.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

9/13/2012 9:13 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.

9/13/2012 8:38 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.

9/13/2012 8:23 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.

9/13/2012 7:51 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB iyo Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa sheegay inay qaadaceen doorashooyinka golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sheegay inaanay doorashadaasi ka qaybgali doonaanin.

9/13/2012 7:25 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

9/13/2012 6:50 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabtay odayaasha dhaqanka dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in is-hortaaga lagu sameeayo gar-gaarka bani'aadanimada iyo dhaca loo geysto.

9/13/2012 3:28 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.

9/13/2012 2:18 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweyniha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.