Natiijada wareeggii koowaad iyo wareegga labaad oo soo gabagaboobay (C/weli Gaas iyo C/qaadir Cosoble) oo iska casilay wareega seddexaad
Isniin, September 10, 2012(HOL): Waxaa la soo gebagebeeyay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynenimada Soomaaliya oo maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ku kala dooranayeen musharraxiin isu soo taagay xilka madaxweynenimada Soomaaliya.
Free desktop streaming application by Ustream
Wareegga labaad ayaa waxaa u soo gudbay afar musharrax oo kala ah Shariif Shiikh Axmed, Xasan Shiikh C/weli Maxamed Gaas iyo C/qaadir Cosoble Cali, waxayna codadaka u kala heleen:

Shariif Shiikh Axmed 64 Cod
Xasan Shiikh Maxamuud 60 cod
C/weli Maxamed Cali 30 cod
Iyo C/qaadir Cosoble Cali 27 cod
Wareegga 2aad ayaa billowday waxaana la sugayaa in ay mar kale kala doortaan afartan musharrax ee isu soo haray, waxaana codbixintii wareeggii koowaad uga haray 18 musharrax, iyadoo horayna ay isu casileen 3 musharrax.
Laakin Intii aysan billaaban doorashada waxaa iscasilay C/weli Maxamed Cali oo sheegay in ay horay-u-socoshada Soomaaliya u tanaasulay. Waxaa kaloo iscasilay C/qaadir Cosoble Cali, waxayna labadani musharrax sheegeen in ay u tanaasuleen isbedel ka dhaca dalka Soomaaliya, iyagoo u mahadceliyay in ay codkooda siisay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com