Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Suxufiyiinta Qaaradda Afrika oo isku raacay inay Tabiyaan Dhacdooyinka Soomaaliya, gaar ahaan guulaha AMISOM iyo dib u dhiska
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Suxufiyiinta Afrika ayaa ku heshiiyay inay tabiyaan dhacdooyinka Soomaaliya sida guuulaha ay gaaraan ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM iyo dadaallada dib loogu dhisayo Soomaaliya.

Qodobkan ayaa ka mid ahaa go'aanno kasoo baxay shir looga hadlayay sharciyada saxaafadda iyo warbaahintu ay ka qaybqadato howlagallada nabadda lagu sugayo oo ay ka qaybgaleen wariyeyaal iyo saraakiil ka socda AMISOM.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in la dhiso awoodda suxufiyiinta Soomaalida, lana sameeyo xiriir dhexmara suxufiyiinta Soomaaliyeed. Iyadoo la ogyahay in sannadkan oo keliya lagu dilay gudaha Soomaaliya sagaal wariye, sidoo kalena lagu dhaawacay 16 wariye oo kale.

"Al-shabaab aad ayay u laciiftay. AMISOM waxay tababarro siisaa ciidamada dowladda si ay u xoojiso. Tababarka ciidamada Soomaaliya la siinayana waa mid loogu talogalay in sare loogu qaado awoodooda," ayuu yiri Basile Gateretse oo ka socday ciidamada AMISOM.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM horayna ugu dhawaaqday inay ku biirtay shabakadda Al-Qaacida ayaa weli ka talisa inta badan Soomaaliya.

"Siyaasad ahaan, waxaa jira horumarro waaweyn, kuwaasoo ay ku tusin karaan in baarlamaanka Soomaaliya lagu dhisay Muqdisho iyo inuu doortay afhayeen cusub iyo ku xigeennadiisa," ayuu yiri sarkaalka ka socday AMISOM.

Basile Gateretse ayaa sheegay in AMISOM ay howlo aan ahayn kuwa milateriga ka waddo Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin: dhismaha waddooyinka, iskuullo iyo xarunta baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay qabtaan howlo adeegga shacabka ah oo ay ka mid yihiin: xarumo shacabka lagu tababaro, qodista ceelal biyoodyo iyo kuwo kale.

Soomaaliya oo dagaallo ay ka socdeen 20-sano ayaa waxaa hadda ka muuqada isbedel weyn, ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda oo horseed u ah howgalka AMISOM oo howgalladooda ay rajo weyn geliyaan dalalka gobolka iyo kuwa caalamka.

"Markii aad fiiriso Soomaaliy, tusaale ahaan dhaqdhaqaaqa garoonka waa mid aad u heer sarreeya maanta, duulimaadyo badan ayaa taga, waxaana filayaa inuu la mid yahay garoomada kale ee Afrika," ayuu yiri Basile.

Khaalid Maxamed oo ka mid ahaa suxufiyiintii Soomaaliyeed ee kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in AMISOM ay gacan ka geysatay dhismaha saddex Isbitaal oo ku yaalla Muqdisho, ayna sidoo kale ilaalo ammaanka saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/1/2012 11:50 AM EST
Sabti 1-da September 2012(HOL): Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo saldhig ku leh tuuladaKalabayr, oo magaalada Boosaaso qiyaastii 60km dhinaca koonfurta kaga beegan,ayaa maanta gelinkii hore muddo saacado ah xanibay isu socodka gaadiidka ee wadada magaaladaBoosaaso gasha.

9/1/2012 10:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta u tartamaya xilkan, waxaana shuruudaha ka mid ahaa in murashax walba uu bixiyo 10,000 oo doollar oo diiwaan-gelin ah.

9/1/2012 8:11 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay saakay fashiliyeen miino lala dabacsanaa in lagu weeraro ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Itoobiya.

9/1/2012 8:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay Khamiistii u soo gabagabeysay 1500 oo arday barnaamij loogu magacdaray toddobadka dhanka ee jaamacadda Muqdisho oo loo qabto ardayda cusub ee jaamacadda kusoo biira si loo baro dhaqanka iyo maamulka jaamacadda.

9/1/2012 7:54 AM EST
Musharraxa madaxtinimada Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka dalbaday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya inay dhisaan guddi ku meel gaar ah oo ilaaliya hantida qaranka inta laga soo dooranayo xukuumad cusub.

9/1/2012 5:26 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga diyaarinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay shuruudo adag ku xiraan xubnaha u tartamaya kursiga talada dalka, waxaana shuruudahaas ka mid ah inay bixiyaan lacago ka badan 5,000 oo dollar iyo inuu murashaxu yahay mid aqoon iyo waayo-aragnimo hoggaamineed leh.

9/1/2012 4:54 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu mar kale deegaanka Miido ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidmaada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

9/1/2012 4:35 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub u magacaabay wasaaradda warfaafinta Somaliland, kaddib markii khilaaf awgiis xilka looga qaaday wasiirkii hore ee wasaaraddaas.