Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Farmaajo oo ka digay in hantida qaranka loo isticmaalo ola’olaha doorashada

Sabti, September 01, 2012 (HOL) - Musharraxa madaxtinimada Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka dalbaday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya inay dhisaan guddi ku meel gaar ah oo ilaaliya hantida qaranka inta laga soo dooranayo xukuumad cusub.

farmaajo-300x289.jpg
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo

“Baarlamaanka Soomaaliya iyo gudoomiyihiisa ayaa maanta ah hogaamiyayaasha sharciga ah ee dalka loo soo doortay, waxaanan ka codsanayaa inay dhisaan gudi ku meel gaar ah oo lamid ah kan doorashada, kaasoo ilaaliya hantida qaranka, inta la helayo xukuumad lasoo doortay oo dalka maamusha”ayuu yiri Farmaajo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo gaareen warar sheegaya in qaar kamid ah madaxda sare ee dalka ee wakhtigoodu dhammaaday ay u isticmaalayaan hantida qaranka kaambaynkooda doorashada,gaar ahaanna lacagta kasoo baxda dekeda iyo ayraboorka.

“Waxaan ka codsanayaa maareeyayaasha dekeda iyo ayraboorkaba inay ilaaliyaan ammaanada qaranka, hantida dalkuna waa mid shacabku uu leeyahay ee maahan mid loo isticmaali karo dano gaar ah” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Farmaajo ayaa dhanka kalana rajo ka muujiyay inuu ku guulaysan doono doorashada soo socota, isagoo ku tilmaamay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay yeelatay mid tayo leh oo xubnaha soo galay ay intooda badan yihiin dad aqoonyahano ah.

Dhanka kalana waxaa uu u hambalyeeyay gudoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaantan la doortay, isagoo sheegay in qaabkii ay doorashadaasi u dhacday ay muujinayso in Soomaaliya ay haatan u gudubtay marxaladii ugu wanaagsanayd oo hogaamiyaasha dalka lagu soo xulanayo aqoon iyo karti.

Hadalka Farmaajo ayaa ku soo beegmay maalin kadib, markii ay gudiga doorashadu ku dhawaaqeen inay 10ka bisha Septemper qaban doono doorashada madaxtinnimada ee dalka.

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya





Post your comments

9/1/2012 11:50 AM EST
Sabti 1-da September 2012(HOL): Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo saldhig ku leh tuuladaKalabayr, oo magaalada Boosaaso qiyaastii 60km dhinaca koonfurta kaga beegan,ayaa maanta gelinkii hore muddo saacado ah xanibay isu socodka gaadiidka ee wadada magaaladaBoosaaso gasha.

9/1/2012 10:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta u tartamaya xilkan, waxaana shuruudaha ka mid ahaa in murashax walba uu bixiyo 10,000 oo doollar oo diiwaan-gelin ah.

9/1/2012 8:57 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Suxufiyiinta Afrika ayaa ku heshiiyay inay tabiyaan dhacdooyinka Soomaaliya sida guuulaha ay gaaraan ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM iyo dadaallada dib loogu dhisayo Soomaaliya.

9/1/2012 8:11 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay saakay fashiliyeen miino lala dabacsanaa in lagu weeraro ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Itoobiya.

9/1/2012 8:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay Khamiistii u soo gabagabeysay 1500 oo arday barnaamij loogu magacdaray toddobadka dhanka ee jaamacadda Muqdisho oo loo qabto ardayda cusub ee jaamacadda kusoo biira si loo baro dhaqanka iyo maamulka jaamacadda.

9/1/2012 5:26 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga diyaarinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay shuruudo adag ku xiraan xubnaha u tartamaya kursiga talada dalka, waxaana shuruudahaas ka mid ah inay bixiyaan lacago ka badan 5,000 oo dollar iyo inuu murashaxu yahay mid aqoon iyo waayo-aragnimo hoggaamineed leh.

9/1/2012 4:54 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu mar kale deegaanka Miido ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidmaada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

9/1/2012 4:35 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub u magacaabay wasaaradda warfaafinta Somaliland, kaddib markii khilaaf awgiis xilka looga qaaday wasiirkii hore ee wasaaraddaas.