Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir iyo Wasiir ku xigeen cusub u magacaabay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub u magacaabay wasaaradda warfaafinta Somaliland, kaddib markii khilaaf awgiis xilka looga qaaday wasiirkii hore ee wasaaraddaas.


Warsaxaafadeed saakay kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in wasiirka wafaafinta Somaliland loo magacaabay Abiib Diiriye Nuur oo horay u ahaa la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, xilal kala duwanna kasoo qabtay xukuumadihii Somaliland soo maray.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland ayaa waxaa loo magacaabay, Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo horay u ahaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland, halka afhayeenka madaxtooyada loo magacaabay agaasimihii telefishinka Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul. Halka agaasimaha taleefishinka Somaliland loo magacabaay, Axmed Cali Gaas.

Wasiirkiii hore wafaafinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale ayaa la sheegay inuu khilaaf adag soo dhex-galay agaasimayaasha wasaaraddaas, taasoo keentay inuu xilka ka qaado laba agaamise, talooyin badan kaddibna uu madaxweyne Siilaanyo go'aansaday inuu xilka ka qaado.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo uu xilal ka qaado wasiirro kuwo kalena u magacaabo tirsan fariista xafiiska looga taliyo Somaliland iyo markii uu xilka qabtay bartamihii bishii July ee sannadkii 2010.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasoo uu kaga qaybgalayo aas berri loo sameynayo ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday dalka Belgium dhammaankii bishii Ogoosto ee aynu soo dhaafnay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/1/2012 11:50 AM EST
Sabti 1-da September 2012(HOL): Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo saldhig ku leh tuuladaKalabayr, oo magaalada Boosaaso qiyaastii 60km dhinaca koonfurta kaga beegan,ayaa maanta gelinkii hore muddo saacado ah xanibay isu socodka gaadiidka ee wadada magaaladaBoosaaso gasha.

9/1/2012 10:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta u tartamaya xilkan, waxaana shuruudaha ka mid ahaa in murashax walba uu bixiyo 10,000 oo doollar oo diiwaan-gelin ah.

9/1/2012 8:57 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Suxufiyiinta Afrika ayaa ku heshiiyay inay tabiyaan dhacdooyinka Soomaaliya sida guuulaha ay gaaraan ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM iyo dadaallada dib loogu dhisayo Soomaaliya.

9/1/2012 8:11 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay saakay fashiliyeen miino lala dabacsanaa in lagu weeraro ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Itoobiya.

9/1/2012 8:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay Khamiistii u soo gabagabeysay 1500 oo arday barnaamij loogu magacdaray toddobadka dhanka ee jaamacadda Muqdisho oo loo qabto ardayda cusub ee jaamacadda kusoo biira si loo baro dhaqanka iyo maamulka jaamacadda.

9/1/2012 7:54 AM EST
Musharraxa madaxtinimada Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka dalbaday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya inay dhisaan guddi ku meel gaar ah oo ilaaliya hantida qaranka inta laga soo dooranayo xukuumad cusub.

9/1/2012 5:26 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga diyaarinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay shuruudo adag ku xiraan xubnaha u tartamaya kursiga talada dalka, waxaana shuruudahaas ka mid ah inay bixiyaan lacago ka badan 5,000 oo dollar iyo inuu murashaxu yahay mid aqoon iyo waayo-aragnimo hoggaamineed leh.

9/1/2012 4:54 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu mar kale deegaanka Miido ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidmaada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.