Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo u dhoofay dalka Uganda


Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ka dhoofaya garoonka Caalimiga ee Adan Cadde


Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoogay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in safarkiisan uu yahay mid kooban oo uu uga qayb-galayo sannad-guuradii 50-aad ee kasoo xorriyadda dalka Uganda.

"Waxaan u baxayaa safakeygii ugu horreeyay ee aan dibadda u aado, waxaana ka qayb-galayaan sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay xorriyada Uganda oo uu igu casuumay madaxweyaha Uganda," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya intii uusan dhoofin,  .

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inta uu ku sugan yahay Uganda inuu kula kulmi doono madax madax ka socota dalalka Afrika iyo kuwa caalamka, isagoo ka xusay madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki, madaxweynaha Masar, Mursi iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Talyaaniga.

"Si dhaqso ah ayaan dalka ugu soo laabanayaa, waayo shaqooyin badan oo tallooyinkeyga u baahan ayaa dalka ka socda; inta aan maqanahayna waxaa howlaha socda lagala tashanayaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya," ayuu yiri madaxweynaha.

Munaasabadda lagu xusayo markii Uganda ay xorriyadeeda ka qaatay dalka Britain oo berri ku beegan ayaa waxaa ka qaybgalaya madax ka socota afartan waddan oo ay Soomaaliya ku jirto, wuxuuna safarkan noqonayaa kii ugu horreeyay oo Xasan Sheekh uu dalka uga baxo tan iyo markii xilkan loo doortay 10-kii bishii September ee lasoo dhaafay.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugay kumannaan askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya ku gacan-siinaya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, iyadoo ciidamadaas qaarkood ay ilaalo ka hayaan xarunta madaxtooyada iyo iyagoo ilaalo gaar ah u ah madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta kale ee dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/8/2012 5:37 PM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Shirweynaha Suxufiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Ireland oo lagu qabtay Newcastle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dhibka badan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

10/8/2012 11:54 AM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta markii ugu horreysay dalka dibaddiisa safar ugu amba baxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

10/8/2012 11:08 AM EST
Isniin, October,08, 2012 (HOL)-Dhawr kun oo qof, ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo barqadii maanta la keenay magaaladda Hargeysa.

10/8/2012 10:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon oo maalin ka hor uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xil ra'iisul wasaaraha.

10/8/2012 9:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ballanqaaday inay bixinayso mushaaraadka macallimiinta wax ka dhiga laba iskuul oo ay wax ka bartaan dadka dhegaha la'a oo Muqdisho ku yaalla kaddib kulan ay la yeelatay mas'uuliyiinta iyo qaar ka mid ah ardayda iskuulladaas wax ka barta.

10/8/2012 8:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenadda ayaa sheegay natiijada imtixaan ay ka qaadeen kooxdii u horreysay ee qareenadda Somaliland.

10/8/2012 8:22 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhuftay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

10/8/2012 6:55 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintya dagaal culus oo deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

10/8/2012 5:57 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday maanta oo Isniin ah hay'adda Islaamiga ah ee Islamic Relief oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.

10/8/2012 5:45 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Maamulka Jaamacadda Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhawaan saldhig ciidan ka sameystay xarunta jaamacadda Kismayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada.

10/8/2012 3:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay isugu furaan magaalada Muqdisho, degmada Baydhabo ee gobolka Bay, degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.