Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xaasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka digay tirada wasiirrada la doonayo in lasoo magacaabo oo uu ku sheegay sagaal wasiir, isagoo xusay in tani ay sababi karto in Somaalida ay iska horkeento.
Xaad wuxuu sheegay in madaxda dowladda looga baahan yahay inay si aad ah u eegaan tirada wasiirrada, isagoo dalbaday in lagu daro tiro intaas oo kale ah si loo qanciyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed.
"Waxaan maqalnay in tirada wasiirrada laga dhigayo sagaal xubnood, kumana filna Soomaali, waxaan codsan lahaa in tiradaas la kordhiyo," ayuu yiri Maxamed Xaad oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho.
Nabaddoonku wuxuu hadalkiisa ku daray in madaxda dowladdu ay ka faa'iideystaan fursadda qaaliga ah ee ay maanta haystaan, isagoo sheegay in loo baahan yahay inay sameeyaan xukuumad dalka wax ka qaban karta oo aan tiro badnayn, balse ka badan inta hadda la qorsheynayo.
"Madaxda dowaldda waxay haystaan fursad qaali ah waana inay shacabka ku hor-keenaa wax ay ku qanci karaan," ayuu yiri nabddoonka oo sheegay inuu Alle uga baryayo in mas'uuliyiinta dowladda uu la garab-galo xilka culus ee saaran.
Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli lagu wado in maalmaha soo socda uu ra'iisul wasaare, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada, kuwaasoo uu horay u sheegay inay noqon doonaan kuwo tayo ahaan wanaagsan tiro ahaanna yar.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka digay in la yareeyo tirada Golaha Wasiirrada xukuumadda ee lasoo dhisayo
More News
- Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta si diiran magaalada Boosaaso loogu soo dhoweeyey (SAWIRO)
- Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo gubey lacago badan oo been abuur ah
- Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Qaraxyo Aargudasho ah ka geysan doono Gudaha Dalka Kenya
- Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inay soo gabgabeeyeen Tirakoobka Dadka ku nool Shan degmo oo Muqdisho ka tirsan
- Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday guriga uu deggen yahay Guddoomiyaha Degmada Bardaale
- Hayadda HARO oo soo Gabagabeysay Barnaamij Hilbo qeybin ah oo ku Aaddan Ciidda oo ay ka fulirsay Muqdisho
- Danjiraha Somalia ee dalka Kenya oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato kala kulmaan Safarrada ay ku aadaan Nairobi
- PROF. JAWAARI: "Howlaha ugu badan ee baarlamaanku qabanayo afarta sano ee soo socota waa la xisaabtanka Xukuumadda"
- Madaxweynaha Puntland oo ka hadalay dagaallada Al-shabaab lagula jiro, sheegayna inay wafdi u dirayaan Kismaayo
- Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ka hadlay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo Weerar gaadmo ah lagu dilay
- Wariye Toddobaadkii hore lagu dhaawacay Muqdisho oo xalay Isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray