Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Oct 28, 2012
Booliiska Kenya oo Mombasa ku dilay xubno ay ku sheegeen inay xiriir la lahaayeen Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.
Toogashadan ayaa timid kaddib markii booliiska Kenya ay u dhaceen saakay aroortii hore guri ay uga shakisnaayeen inay deggenaayeen kooxaha islaamiyiinta ah oo ku yaalla deegaanka Majengo oo ka tirsan magaalada dekedda leh ee Mombasa.
"Waxaan dilnay hal ruux oo laga shakisnaa, sidoo kale waxaan dilnay mid kale oo isku dayay inuu baxsado," ayuu yiri ku xigeenka taliyaha booliiska gobolka xeebta dalka Kenya ku yaalla, John Gachomo, isagoo intaas ku daray in ciidamadu ay eryadeen kooxo kale oo goobta ka baxsaday.
Dowladda Kenya ayaa shaki weyn ka qabta in kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalkeeda ku sugan ay taageero ka helaan Xarakada Al-shabaab, ayna horay dhowr jeer uga fuliyeen qaraxyo ay dad badan dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.
Booliisku waxay sidoo kale sheegeen inay ka heleen guriga ay weerareeen hub ay ka mid yihiin bastoolad, saddex bambooyinka gacanta ah iyo rasaas. Iyadoo hubkan la qabtay uu kusoo beegmayo xilli ay kordhayaan Islaamiyiinta iskahorimaadyada la galaya ciidanka booliiska Kenya.
Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacaya tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ahayd xilligii ay Kenay go'aansatay inay Al-shabaab kula dagaalanto gudaha dalka Soomaaliya, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag xiriir dhow la leh Al-shabaab oo ku sugan dalkaas.
Falalkan ammaan-darro ayaa waxay sababeen inay hoos u dhacaan dadkii dalxiis ahaanta u tegi jiray dalka Kenya, iyadoo dhowr jeer oo hore Al-shabaab ay ugu goodisay Kenya inay ka geysan doonto dalkeeda qaraxyo aargudasho ah.
Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay qabsadeen hal sano kaddib howgalkooda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay u arkayeen inay tahay xudunta ay Al-shabaab iska soo abaabulaan, basle weli waxaa gudaha dalkaas ka dhacaya falalkii ammaan-darro.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaailya
Post your comments
Xisbiga UCID oo doortay Musharraxiinta doorashada soo socota uga qeybgeli doonta (SAWIRRO)
10/28/2012 2:54 PM EST
Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.
Roobab khasaare badan geystey oo ka da'ay qaar ka mid ah gobollada Puntland.
10/28/2012 2:50 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Karkaar. Goobaha ugu daran ee ay roobabku waxyeelooyinka ka geysteenna waxaa kamid ah degmooyinka: Boosaaso, Qandala, Xaafuun, Dangorayo iyo Bayla.
Kalfadhigii 29aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay [SAWIRRO]
10/28/2012 2:48 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Golaha wakiillada ee Puntland ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigoodii 29-aad, waxaana furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyadoo ay sidoo kale munaasabadii furitaanka joogeen madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.
Doomo Ganacsi oo Doonayay in ay Daabulaan Dhuxul oo Dib uga Laabtay Dekedda Kismaayo
10/28/2012 11:04 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) —Ilaa laba doomood oo ku xirnaa dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo islamarkaasina doonayay in ay daabulaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii maamulka KMG ee Dekedda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.
Dhallinyarada Waddanka Ruwanda oo Ururiyay lacag gaaraysa 30-Milyan oo Faran si ay ugu Tageeraan Soomaaliya
10/28/2012 9:10 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Dhallinyarada dalka Ruwanda ayaa olole ay ka sameeyeen dalkooda Jimcihii lasoo dhaafay ku ururiyay lacag gaaraysa 30-milyan oo Faranka dalkaas ah, taasoo ay ugu talo-galeen inay ku taageeraan Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, C/llaahi Sheekh Maxamed.
Haweenka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan oo kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku doortay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka
10/28/2012 8:13 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.
Mareykanka oo sheegay inuu kordhinayo duqeymaha ay diyaaradahiisa aan duuliyaha lahayn ka geysanayaan Soomaaliya
10/28/2012 7:50 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Mareykanka, Lion Benita ayaa sheegay inay kordhinayaan ay sii laba jibaarayso weerarrada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
Dadweynaha Somaliland oo tabaya doorkii ay Xisbiyada Mucaaradka ahi ku lahaayeen Toosinta Dowladda iyo Aragtidda Shacabka
10/28/2012 7:43 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Waxaa maalinta barito ee isniinta ee bishan oktobar 29,keeda si rasmi ah u bilaabmi doonna ololaha xisbiyada ee tartanka doorashadda golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo noqon doonta mid xamaasadeeda leh, isla markaana dib u bilaabi doonta eedihii iyo dhaliilihii hawada la isku marin jiray si dadka loo kala kasbaddo, mid waliba iskaga dhigi lahaa kii dalka iyo dadkan wax u qabanayey.
ONLF oo faahfaahin ka bixisay Waxyaabihii Hakadka geliyay Wadahadalladii ay kula jirtay Dowladda Itoobiya (SAWIRRO)
10/28/2012 3:59 AM EST
Jaaliyadda Ogadenia ee dalkan Kenya ayaa maanta qabatay shir ay kaga hadlayeen wada hadaladii hakadka galey ee jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.
Hoggaamiyaha Raaskambooni oo sheegay in Gobollada Jubooyinka loo sameyn doono maamul ka yimaada dadka deegaanka
10/28/2012 2:18 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.
Ciidanka Booliiska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Maydka Ruux toogasho lagu dilay oo ay sheegeen inuu Weeraray Saldhig Ciidan
10/28/2012 2:02 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaasoo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku jira heerkii ugu dambeeyay wadatashiyadii uu kusoo Magacaabayay Golaha Wasiirrada
10/28/2012 1:47 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku jira wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan u soo magacaabayo.
Somali News
Security restored in Luq, Somali government says
-
Sabahi
10/28/2012 7:22 PM EST
The Somali government said security has been restored in Luq in the Gedo region, UN-funded Radio Bar-Kulan reported Sunday (October 28th).
How families on both sides of the law face tough choices in Somalia
-
Guardian
10/28/2012 7:21 PM EST
Relatives of murder victims must pardon the perpetrators, kill them or demand blood money – currently set at about $20,000
250 Somali students get Turkish scholarships
-
Daily Monitor
10/28/2012 7:18 PM EST
Somalia: Somali students numbering 250 offered scholarships at higher learning institutions in Turkey flew from Mogadishu last week. Their destination was Istanbul, the most cosmopolitan city in the Euro-Asian country.
Minneapolis, MN: Run to unite with Abdi Bile
-
HOL
10/28/2012 5:27 PM EST
Minneapolis, MN: Run to unite with Abdi Bile
English Premier League: Manchester United ends Chelsea’s unbeaten streak
-
AP
10/28/2012 5:10 PM EST
LONDON—Manchester United ended leader Chelsea’s unbeaten start to the Premier League season and moved a point behind its opponent after benefiting from key refereeing decisions to win 3-2 on Sunday.
‘We didn’t go to Somalia for business’
-
Daily Monitor
10/28/2012 9:47 AM EST
Well, our foreign missions, which are now about 28, are engaged in the usual diplomacy but more importantly, they are engaged in commercial diplomacy. Our missions abroad have been given charters and their success is measured on how much investment they have attracted to Uganda, how many tourists have been able to come to Uganda as a result of their activities and the amount of trade there is in the country they are stationed and Uganda.
Two militant suspects killed in police raid on Kenyan coast
-
Reuters
10/28/2012 9:44 AM EST
MOMBASA, Kenya, Oct 28 (Reuters) - Kenyan police shot dead a Muslim cleric suspected of ties to Somalia's al Shabaab militants in the city of Mombasa on Sunday, the latest in a string of raids against alleged sympathisers of the Islamist militants along the east African coast.
Rwandan Youth Contribute Rwf30 Million to Somalia
-
New Times
10/28/2012 5:41 AM EST
Rwandan youth, through their campaign dubbed Rwanda Youth Campaign for Somalia, on Friday handed over a cheque worth over Rwf 30 million to Cabdullahi Sheikh Maxamed, Somalia's Ambassador to Rwanda.
Ethiopia: President Guelleh Hails Ethiopia's Renewable Energy Supply
-
GOE
10/28/2012 5:27 AM EST
President Ismael Omar Guelleh of Djibouti said that the hydroelectric power connection project, under which Ethiopia started to provide electricity to Djibouti last year, fitted very well into the country's clean energy policy.
UK: Theresa May strips British passport from Muslim care worker who refused to join MI5
-
MailOnline
10/28/2012 4:36 AM EST
A British citizen whose family believe he is being tortured by American secret agents has suddenly had all his rights as a UK national removed by the Home Secretary.
Nashville's Somalis embrace election
-
Tennessean
10/28/2012 4:19 AM EST
Nashville’s Somalis don’t want to hear how inconvenient it is to stand in long lines at the polls. For them, American elections are a miracle, worlds apart from Somalia’s old two-wooden-box system of voting, where the dictator in power decided the outcome