Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Dowladda Uganda oo ku hanjabtay inay dib u eegayso howgalka ay kawaddo Soomaaliya kaddib eedeyn loo jeediyay
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.

Guddi ka socda Qaramada Midoobay oo baaritaanno sameeyay ayaa ku eedeeyay dalalka Uganda iyo Ruwanda inay taageeraan jabhadda ka dagaalanta DR Congo, iyadoo dowladda Uganda ay eedeyntan si caro leh uga jawaabtay.

"Uganda waxay hadda dib u eegi kartaa howgallada ay ka waddo Soomaaliya, halkaas oo ay naga joogaan ciidamada ugu badan ee ka socda Midowga Afrika," ayuu yiri wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda, Asuman Kiyingi oo la hadlay saxaafadda.

Warbixinta guddiga Qaramada Midoobay ee eedeynta loogu jeediyay Uganda iyo Ruwanda ayaa lagu sheegay inay hub siiyaan jabhadda M23, iyadoo dagaallada ka socda bariga DR Congo ay ku qasbeen inay guryahooda ka cararaan 500,000 oo qof.

"Eedeyntan waxay sumacad-xumo weyn ku keentay dalka iyo dadka Uganda, waxaana eedeyntan ay keeni kartaa inaan dib u eegno howgallada nabad ilaaliyeed ee Qaaradda Afrika oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya," ayuu u sheegay BBC-da wasiirka u hadlay dowladda Uganda.

Dowladda Uganda ayaa waxay ciidamadeedu ka howgalaan dalalka Soomaaliya iyo dalka Afrikada dhexe, halkaasoo ay u joogaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen nabad kusoo dabbaalidda dalalkan oo dagaallo sokeeye aafeeyeen.

Ciidamada AMISOM oo intooda badan ka socda dalka Uganda ayaa waxay gacan ku siiyaan dowladda Soomaaliya dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo ah koox sannado badan gacanta ku haysay inta badan gobollada ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa qaraxyo aargudasho ah waxay bishii July ee sannadkii 2010 ka geysatay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kuwaasoo ay ku dishay in ka badan 70 qof oo shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/25/2012 4:19 PM EST
Khamiis, October,25, 2012 (HOL)- Guddi hoosaadka golaha Guurtidda ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay daladda dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo warbixin ka siiyey waxay shacabka u qabtaan iyo hawlaha ay ka shaqeeyaan.

10/25/2012 4:09 PM EST
Khamiis , October, 25, 2012 (HOL)-Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka olola doorashooyinka Somaliland, iyagoo si rasmi ah u sheegay in bishan octobar 29 keeda bilaabmi doono ololaha doorashooyinka golaha deegaanka.

10/25/2012 11:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta xukun dhagax-ku-dil ah ku fuliyay gabar ay ku eedeeyeen inay gogol-dhaaf sameeysay iyadoo uu nin qabo, waxaana sidoo kale isla goobta lagu karbaashay ninkii la sheegay inay gogol-dhaafka la sameysay.

10/25/2012 8:42 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.

10/25/2012 8:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shirkadaha shisheeye ee aan lasoo marin baarlamaanka aysan sharci ahayn howlaha ay dalka ka qabanayaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha dalka ku sugan loosoo gudbiyo baarlamaanka.

10/25/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku eeedeeyay xoogagga Al-shabaab inay direyska ciidamada ku dhacaan dadka shacabka ah, isagoo shacabka uga digay inay iska hubiyaan kuwa wata direyska ciidamada.

10/25/2012 3:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

10/25/2012 3:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — In ka badan hal milyan iyo bar muslimiin ah ayaa sannadkan gudaha waajibaadka xajka, kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.

10/25/2012 3:09 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay saddex burcadbadeed ah ayaa ku dhintay dagaal shalay kooxo burcadbadeed ah ku dhexmaray deegaanka Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

10/25/2012 2:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 12 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Arbaco ahayd deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.